Dawladda UK oo Sharraxday Dhaqaalaha ay ku Taageerayso Wejiga Labaad ee SDF2 iyo Siday uga Go’an tahay inay Saacido Somaliland

Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay Lacag dhan £31 Milyan oo Gini oo ay  la saxeexatay Xukuumadaha  Somaliland iyo Netherlands oo loogu talogalay in lagu fuliyo  wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2, kuwaasi oo wax lagaga qabanayo horumarinta adeegyada bulshadda.

Siday soo warisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, madaxa Hay’adda DFID Damon Bristow  ayaa shabakadda xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK  u  sheegay inay 25 milyan oo Ginni ay Ingiriisku kaga  qayb qaadanayaan wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2, waxaanu tilmaamay in lacagtaasi loogu talogalay mashaariic la hirgelinayo inta u dhexaysa sannadaha  2018 ilaa 2022ka.

Madaxa Hay’adda DFID wuxuu sheegay in  dhaqaalaha lagu fulinayo mashaariicdaas ay ugu deeqeen Somaliland, si  wax loogaga qabto dhinacyada  Waddooyinka, Biyaha iyo Beeraha.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ay ku jiraan mashaariic lagu xoojinayo hay’adaha dawliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo sarkaalkaasi xaqiijiyey in mashruucii hore ee Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo socday 2013kii ilaa 2018 uu guulaystay. Iyadoo  Mashaariicdan cusub ee ay la saxeexdeen dawladda Somalilandna ay waafaqsan yihiin qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka.

Damon wuxuu xaqiijiyey  in UK ay ka go’an tahay inay taageeraan bulshada Somaliland, isla markaana  ay la socdaan dedaaladda iyo taabogalka ay noqdeen  laamaha dawladdu, si ay adeegyada daruuriga ah u gaadhsiiyaan dadweynaha.

Waxa kaloo uu sheegay in wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland ay ka faa’iidi doonaan dadweynaha Somaliland oo dhammi isla markaana ay  ka heli doonaan adeegyo horumarsan, isagoo intaas raaciyey  in sanduuqa SDF2 uu saacidi doono koboca dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso