Daawo/Wardegdeg ah : Dhimada Hal Qof iyo Dhaawac Laba Qof ah ayaa la xaqiijiyey kadi markii Roob wayn oo duufaano iyo baraf wata ka da´ay magaalada Jigjiga.

Waxaa maanta Abaara 2:30 PM ilaa 3:40 PM galabnimo ka da’ay caasimada deegaanka Somalida  ee Jigjiga roob dufaan iyo baraf wata islamarkaana kala xidhay dhamaan isku socodkii gaadiidka iyo dadka magaalada Jigjiga. Wadooyikii magaalada ayaa isu badalay wabiyo biyo butaacayaan.

Roobka ayaa inta la og yahay sababay dhimasho hal qof ah iyo laba qof oo dhaawac ah, inkasta oo la filayo in uu dhaawacu intaasi ka badan yahay. Waxaa kale oo jira dadka soo barakacay guryahoodii ka dib markii xaafadoodii  daadku soo galay, gaar ahaan xaafadaha ka agdhaw goobta uu maro togga Jigjiga.

Dhanka xukuumada DDS, masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka deegaanka mudane Aadan Faarax, maamulka magaalada Jigjiga iyo hay’adaha amaanka ayaa gurmad u bilaabay dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay roobkan sida lama filaanka ah galinkii danbe ee maanta uga day magaalada Jigjiga

Ugu dambayntii burburka hantiyeed ee ay gaysteen daadakani ayaan la ogaanin heerka uu gaadhsiisan yahay waxaana socda gurmad kala duwan oo lagu baadi goobayo baaxada khasaaraha.

Warqabadka Togaherer

Jigjiga

Advertisement

Ku Xayeysiiso