Trump oo ka baxay Wadahadalladii kala dhaxeeyay Daaliban .

Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu joojiyo wadahadalladii kala dhaxeeya Kooxda Taliban.

Donald Trump oo farriimo dhowr ah soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in uu joojiyay dhammaan  wadahadalladii dhanka nabadda ee kala dhaxeeyay Taliban sababa la xidhiidha weerar askar American ah lagu dilay oo Talibaan ay isbuuc lasoo dhaafay ka fulisay magaalada Kaabuul.

Hoggaamiyaha Mareykanka wuxuu sheegay in uu gabi ahaanba joojiyay kulan qarsoodi ah oo maalinta Axadda uu Camp David kula yeelan lahaa hoggaamiyaal ka socda Taliban “waxaan joojiyay kulan aan la qaadan lahaa hoggaamiyaasha Taliban wadahadalladii Nabadanna waa lajoojiyay sababa laxidhiidha iyagoo sheegtay mas’uuliyadda weerar 12 qof lagu dilay oo Kaabuul ka dhacay” ayuu tidhi Trump.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in uu aad uga cadhooday dilka sarkaal katirsanaa ciidamada Mareykanka oo kamid noqday 12 katirsan NATO oo khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay hareeraha faraca 40aad ee sirdoonka xukuumadda Afghanistan.

Trump ayaa sababta uu u joojiyay wadahadallada Taliban ku sheegay iyagoo dilay askari dhankooda ku weynaa, hadalkan cadhada leh ee kasoo yeedhay madaxweynaha Mareykanka ayaa imaanaya maalmo kadib markii xoogaga Taliban ay laba howlgal oo naf hurnimo ku beegsadeen ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso