Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo U Ambabaxay Dalka Turkey-ga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Liibaan Yuusuf Cismaan iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay dalka Turkiga.

Weftigan uu wasiir ku xigeenku hoggaaminayo oo ka koobaan Agaasimayaasha Cisbitaallada dalka iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa ujeedada safarkoodu yahay aqoon korodhsi taabanaya adeegyada Caafimaadka sida loo kobciyo iyo unkida xidhiidh caafimaad oo u dhexeeya Somaliland iyo Turkeyga.

Weftiga oo warbixin kooban ka bixiyey safarkooda dalka Turkiga ayaa waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr Yaasiin Carab isagoo faahfaahiyey waxyaabaha faaidada ah ee laga filan karo socdaalkooda.

Sidoo kale cisbitaalka Maxamed Aadan Sheekh ee magaalada Hargeysa Dr Khadra ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay,waxa iyaduna sidoo kale hadashay Agaasimaha cisbitaalka magaalada Berbera ayaa hadalo ku qotoma safarkooda.

Ugu damabyn Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Liibaan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada safarkooda iyo waxyaabaha mudan in laga soo faa’idaysto dalka Turkiga.

Waxaanu Wasiir ku xigeenku sheegay in safarkani noqon doono mid aqoon korodhsi iyo sidii labada dal xidhiidh u wada yeelan lahaayeen.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso