Midowga Afrika oo qaaday xayiraaddii saarneyd Suudaan

Midowga Afrika ayaa meesha ka saartay ama qaaday hakadkii la galiyay xubinimada dalkaasi ee dhanka Qaaradda,ka dib markii la soo afjaray 3-bilood oo qalalaaso ah,isla markana la dhisay dowlad ay hoggaanka u hayaan rayidka.

Go’aankaan oo lagu dhawaaqay maalinimadii shalay oo jimco aheyd ayaa timid ka gadaal markii R/wasaaraha cusub Abdalla Hamdo uu dhisay Golihii Wasiirada,taas oo qeyb ka ah 3-sano oo ku meel gaadh ah oo ay awoodda wada qeybsanayaan ciidamada iyo kooxihii waday kacdoonka rayidka.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Suudaan ayaa go’aankaasi ay gaadheen Midowga Afrika ku tilmaantay tallaabo loo qaaday horumarka dalka Suudaan wuxuuna yidhi Wasiirku “waa muhiim inaan dib-u-xaqiijinno ballan-qaadkeenna ah yoolalka iyo ujeeddooyinka Midowga Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso