Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mogabe oo geeriyooday

 War ay shaacisay dowladda Zimbabwe ayaa sheegaya in uu geeriyooday madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr Robert Mugabe,kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay,eheladiisa ayaan warbaahinta u xaqiijiyay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu ku qoray Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayuu kuga hadlay geerida Mogabe,isagoo yidhi”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr Mogaabe oo ahaa 95 sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow si biirsaday waxaana lagu daweynayay isbital kuyaal dalka Singapour oo weligiisa caafimaada ahan u aadi jiray.

Muddo sanad ka hor ayuu xilka ku wareejiyay Emmirson Manangagwa,kadib markii militariga dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mogabe Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe la idhan jiray Rhodesia,waana shaqsi taariikh weyn ku leh dunida,inta badana lagu yaqiinay hadalo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Mr Mogaabe wax yaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale door weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha dowladnimada iyo hoggaaminta dalakaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayaya,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro.

Advertisement

Ku Xayeysiiso