Fadliga Soonka Caashuraa 10-ka Bisha Muxarram.

Asalaamu Calaykum Waraaxmatullaahi Wabarakaatuhu Ogaysiis Ku Saabsan Fadliga Caashuuraa Kuna Beegan 8 September& 9 September 2019. 

Ikhwaanii Fillaah Sidaad Lasocotaan Waxaynu Ku guda Jirnaa Bil Kamid Ah Billaha Xurmada Ku Leh Alle Swt Agtiisa. Bishaan Waa Bisha La yidhaa Muxaram, Waxaana Ku Jirta Maalin Qofkii Sooma Loogu Dhaafaayo Dembigiisii Sanadkii Tegay Insha’allaahu, Waana Maalinta 10aad Ee Bishan.

عن أبي قتادة – رضي الله عنه- عن النبي –صلى الله عليه وسلم- ( صيام يوم عاشوراء أحتسب على الله أن يُكفّر السنة التي قبله ) رواه أحمد (5/296)، ومسلم 1163

Ikhwaanii Filcaqiidah, Nebigu Scw Wuxuu Yidhi Xadiis Uu Warinaayo Abii Qataatah Rc: (Soonka Maalinta Caashuuraa Waxaan Allaah Ka Rajaynaayaa Inuu Iigu Dhaafo Sanadkii Tegay) Waxaa Wariyey Axmed: 5/296, Muslim:1163

Ikhwaanii Fillaah Waxaa Sidoo Kale Sunno Ah In Lasoomo Maalinta 9aad Ee Ka Horraysa Maalinta Caashuuraa. Sababtuna Waa In Uu Rasuulku Scw Yiri: (Sanadka Soo Socda Waxaynu Soomaynaa Maalinta 9aad) Waxaa Wariyay Muslim: 1916. Laakiinse Rasuulku Scw Ma Uusan Gaadhin Sanadkii Uu Balan Qaaday Inuu Soomo Oo Rabbi Swt Baa Oofsaday.

Hadaba Ikhwaanii Fillaah Maadaama Uu Rasuulku Scw Hadii Uu Noolaan Lahaa Soomi Lahaa Sanadkuu Balan Qaaday, Waa Inaynu Anagu Soomnaa Maalinta 9aad Oo Aanu Ku Darnaa Maalinta 10aad Ee Ah Cashuuraa.

Maalinta 9aad & Maalinta 10-aad Ee Caashuuraa Waxay Ku Aadan Yihiin ,Arbacada & Khamiista Soo Socda Kuna Beegan 8 September& 9 September 2019

Jazakumullaahu Kheyran aan ka wada Faa’iidaysano Acmaasha Kheyrka badan

FG: labada maalin ee soonka Caashuraa waa Axad iyo Isniin

Advertisement

Ku Xayeysiiso