GORFEYNTA BUUGGA CIRMAALKA BURAAD. Qaybta 2aad

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham. 

   …Walaw, buuggu aad u weyn yahay, aqoonta uu soo tabinayaana caydhiin ku tahay qof kasta oo aan sees wanaagsan ka haysan culuumtan, haddana xaajadaydu waxa ay ahayd uun; CEEL BIYO LIHI MA DHEERA.  Usbuuc ka hor waatii aan idin la wadaagay qaybtii hore ee gorfeynta haatanna waxa aan idiin soo gudbinayaa qaybtii labaad. 

Haddii Alle innagu simo waxa aan qormadan ku kor-ka-xaadin doonaa qoddobada muhiimka aan u arko ee buuggu wax ka qoray. Waxa aana ka mid ah: 

● Meerayaasha toddobada ah iyo sida ay 24-ka saac u kala leeyihiin. 

●  Goorayntii Soomaalida sida;  

b. magacyada afar iyo labaatanka saac, 

t.  Magacyada laba iyo tobanka  bilood,

j. Magacyada maalmaha oo shan nooc  oo kala duwan ah,

● Sooyaalka Xiiddigiska Soomaalida. Sida; 

A. Noocyada xiddigaha u qaybsamaan,

B. Tirsiga Dayaxa ee Soomaalida, 

C.  Sooyaalka Beri tirsiga, 

D. Sooyaalka iyo ka saadaalinta Waabariis,

E. Sooyaalka bisha Sedbuux,

F. Hab saadaalinta Sedbuux, 

G. Sedbuux shan-guur iyo lix-guur, 

H. Hab tirsiga Dayax-cadceeddeedka, 

I. Sooyaalka Dambe-samaha, 

J. Xiddigo Sugan, 

K. Xiddigo Socda,  

L. Sharraxa 28-da god ee dayaxa,

M. Habka wax looga oddoroso  walxaha Samada, 

●Soomaalidu aqoonta ay u lahayd cilmiga ABUURKA oo loo qaybiyo saddex kala ah: 

1.ABKA: Wixii ku saabsan soloda abtirka dadka iyo duunyada, 

2. SUMALKA: Wixii ku saabsan muuqaalka abuurka, dadka iyo duunyada ba. 

3. RAADKA: Wixii ku saabsan raadka dadka iyo duunyada ba. 

          Hadda ba Soomaali waxa ay ku maahmaahdaa SHUBAALI WAA BIYO LA BAXE aniga oo aan ku xad-gudbin xuquuqdii qoraaga aan intaa ku ekeeyo mawduucyada kor ka xaadiska ah ee Cirmaalka Buraad innooga warramayo, akhristaha ayaa iibsan doona buugga dabadeed na xaq u yeelan doona dheefta buugga ku jirta’e.

 Aragtiyaha aadka u mudan ee Cirmaalka Buraad xambaarsan yahay haddii lagu eego kasmo wanaagsan iyo fiiro badan waxa laga dheegi karaa hummaagga ilbaxnimadii liska ahayd ee aan tuurnay kuna beddelanay tan ajada ah. Sida oo kale waxa laga dheehan karaa in Soomaali  ilbaxnimo facweyn lahayd taasi oo aan cilmiyada dunida cidna waxba ka martiyin. 

      Buuggani wuxuu u cuntamayaa oo dhadhan macaan u samaynayaa kuwa aan la ashqaraarsanayn ilbaxnimada R. Galbeedka ee akhlaaqda iyo dhaqanka san ka arradan. Sida oo kale, qof kasta oo qun-u-dhaladnimada isirka Soomaaliga ahi macno u sameeynayaa waa ku raaxaysanayaa.  Hasayeeshee Soomaalida han-jabtay, is-dhiibtay ee rajo-beelka ahi dhag- jalaq uma siinayaan. Si kasta ba ha ahaatee, aqoontii iyo ilbaxnimadii dhaxalka awoow ee faraca dhawrsoon ku aroori jirtay kuwa qiimigeeda ogsoon, taa aan kor ku soo xusnay ee ajada ah ee R. Galbeedna gunta soo taabtay buuggan xogta ku jirta dahab ayay ku miisaamayaan. 

Buugta daabacan ee ifka u soo baxday ee mawduucan wax ka qorta waa kuwa kaw iyo laba la odhan karo iyo mawduuca oo madi ah ba waxa ay horseedayaan in Soomaali meel ay joogto ba u harraaddan tahay wax ka ogaanshaha mawduucan. Hadda ba qofkii in uun xiisaynaya buugga Cirmaalka Buraad haddii uu samirkii lagu akhrin lahaa la yimaaddo waa hubaal in aqoon aasaasi-dhexe ama sare oo ku saabsan xiddigiska uu ka hirqanayo. Haani gun bay ka tolantaaye buuggu salka ayuu ka soo bilaabayaa barashada xiddigiska. 

Gorfeyntaydani waxa ay boorinaysaa in taariikh ahaan aan u eegnaa kaydka cilmi ee Soomaalida ee CIRMAALKA BURAAD soo gudbinayo oo aan macne falsafad taariikheed ku miisaanno? Sida oo kale, inta dib loo daraaseeyo in la soo nooleeyo. Waxa se is-weydiin mudan sidee ayay xilligan iyo aqoontaasu jiibta iyo jaanta iskula heli karaan? Kuwaas iyo weydiimo kale oo door ah ayaan ku feker arooray intii aan gorfeynta buugga ku dhex jiray. Hasa yeeshee, ar-dambe iyo waageede aan u gundo-degno dulucda qormada labaad ee gorfeynta CIRMAALKA BURAAD. 

GOORAYNTII SOOMALIDA 

Inkasta oo aragtiyo kala geddisan BILAHA SANNADKA aqoon yahanka isku lura cilmigan xiddigisku soo kala tabiyaan, haddana waxa aan hogo-tusaale u soo qaadan doonnaa kuwan CIRMAALKA BURAAD xusayo iyo kuwa kale oo  Muuse H. i. Galaal buuggiisa “Stars, seasons and weather in Somali  pastoral traditions.  uu ku xusay. 

1. Dharabley|January 

2. Cirir|February 

3. Cuur| March 

4. Duugato| April

5. Meecaad|May 

6. Afa-gaal| June 

7. Agaali|July

8. Naaf| August 

9. Kudxin| September 

10. Dirir| October 

11. Gudba|November 

12. Xoorrey|December. 

Halkan waxa aan ku soo qaadan doonaa laba iyo toban bilood oo Galaal (AHN) ku xusay buuggiisa aan kor ku xusnay kuwaas oo laga adeegsado deegaanka Burco udub-dhexaadka u tahay. 

1. Dayr halalood

2. Dayr  habbis 

3.  Dayr dirir 

4. Dayar damba-same 

5. Wajiine

6. Xays 

7. Toddob 

8. Daydo 

9. Seer-ma-weydo 

10. Cawl 

11. Dirir sagaaro 

12. Samalaho

MAGACYADII SOOMAALIDU AFAR IYO LABAATANKA SAAC U ADEEGSAN JIRTAY. 

Waxa jira aragtiyo kala geddisan oo gooraynta Soomaalida midba waxa ka tidhi anigu qof ahaan labada aragtiyood ee midna buugga Xaaji Muuse Galaal  xagga saacadaha waxa iga la waafisan aragtida  cirmaalka Buraad oo saacad kasta magaca gaar ugu yeedhay, halka aragtida Galaal soo tabiyay ay laba laba saac iskugu xidhaysa. 

1. Milay-tara

2. Cir-lo’aad 

3. Geel-raamis 

4. Waadhawaad

5. Daakira 

6. Waabari 

7. Aroor 

8. Barqa-riyaaq

9. Barqo-lo’aad 

10. Xigsiin-ramad

11. Xigsiimo 

12. Qiiloolo

13. Gadiid 

14. Cadeed-yalamis 

15.  Casar 

16.  Mayrac 

17. Daba-casar

18. Galab-gaab 

19. Cadceed-dhac 

20. Caways 

21. Xareed 

22. Migil 

23. Waaberi 

24. Geel-seexad 

TODDOBADA MEERE

1. Diimaale

2. Dabayl

3. Wooble

4. Cadceed

5. Dhabare 

6. Dusa 

7. Dayax

MAALMAHA USBUUCA EE SOOMAALIDA 

Qaybta 1aad 

1. Case|Axad 

2. Lamma|Isniin 

3. Sadde|Talaada 

4. Carte|Arbaca 

5. Uguux|Khamiis 

6. Agaax|Jimce 

7. Agaali|Sabti 

Qaybta 2aad 

■ Suuni|Axad 

■ Sanni|Isniin

■ Koodaar|Talaada 

■ Goonyaad| Arbaca 

■ Ugbaad|Khamiis 

■ Hoyaad|Jimce 

■Negaad|Sabti

Qaybta 3aad

● Koowin|Axad

● Lammin|Isniin

● Lamatooka|Talaada 

● Koodaar|Arbaca 

●  Hakisa|Khamiis 

●  Hakis-bila|Jimce

Qaybta 4aad 

○ Malkow|Axad

○ Mallabo|Isniin 

○ Malsed|Talaada

○ Malafar|Arbaca 

○ Malshan|Khamiis 

○ Malkulan|Jimce 

○ Manayso|Sabti 

Qaybta 5aad 

▪ Kawley| Axad

▪  Labaaley|Isniin 

▪ Saddexkey|Isniin 

▪ Afarley| Arbaca 

▪ Shabley| Khamiis 

▪ Kulmiso| Jimce 

▪ Toddobaaley|Sabti 

XIDDIGO SUGAN; Waxa looga jeedaa siddeed iyo labaatanka god ee Dayaxu uu maro innaga oo ka dhaqaaqayna labadaas qodob baan qoraalkan ku lafo-guraynaa godadka Dayaxa oo ka kooban 28-ka god iyo habka Soomaalidu u wariso dhaqan ahaan, kolka laga hadlaayo ambooyinka  waxa inta badan loo gaar yeelaa Dayaxa ambooyinku se waxa ay ka dhexeeyaan toddobada malluug ama meere. Quraanka laftiisu manaasisha wuxuu u gaar yeela Dayaxa  inkasta oo uu sheegay in labadu ba ay socdaan oo sabbaynayaan. Markaan eegno cilmi-dhaqankeenna ambooyinka iyo Dayaxu waxa ay raad weyn ku leeyihiin nolosha xoola dhaqatada bad-maaxa iyo beeroleyda Soomaalida. 

Sidaan bilawgii buugga ku soo sheegnay Af-carbeedku wuxuu raadeeyay  qayb weyn oo ka mid ah Af Soomaaliga sida ayaamaha oo kale, marka laga hadlaayo marka laga hadlaayo gododka Dayaxa iyo meerayaasha ma sidaas uun buu u beddelaa ama u raadeeyaa?  Markaan eegay ma arkin raad uu ku yeeshay Af-carbeedka iyo af kale ba gododka Dayaxa iyo meerayaasha  Carabiyeeyay waxa aan is idhi markaan eegay waa meesha kaliya ee laga heli karo Af soomaaligii hore iyo intii ka horreysay ee aanay afafka bahda Kushitiggu aanay kala bixin ba. 

Cirmaalka Buraad waxa ay yidhaahdaan, xiddigo sugan waxa ay tilmaan u yihiin in meelaha samada, waxaana laguna tilmaansadaa meelaha ay kala joogaan, sida buuraha ba luugu kala tilmaansado dhulka meelahay kaga kala yaalliin.  

AF SOOMAALIGA 

Wakhti door ah baan ku bixiyay in aan magacyada gododka sideed iyo labaatanka ah ee dayaxu maro ka dhex baadho ereyo ergis ah oo afkeennu af kale ka soo ammaanaystay, hasa yeeshee waan ka dhex waayay. Xataa Af carbeedka oo meelaha qaar sida maalmaha innaga dhallan-rogay kuwii hore ee Soomaaliga badhaxa-tiran ahaa ee aan u lahayn marka ay arrintu Culuumta xiddigiska timaaddo Af soomaaligu uu laan-dheerenimo sheegtay oo is bixiyay. Waxa aanu halkaa ku dhaafay afaf badan oo la bah ah iyo kuwa kale oo la jaal ah ba. 

1. Godan

2. Lisan

3. Urur

4. Laxmar

5. Agaali-waran

6. Agaali-caanood 

7. Afagaal

8. Canbaar-siigaale 

9. Naaf-weyne 

10. kutxin-tarka-cad 

11. Kutxin-cawo 

12. Kutxin-nirig

13. Kutxin- dabaqallooc

14. Dirir-galaal

15. Dirir-garbood 

16. Dirir-bashkax

17. Dirir-garbood

18. Daalallo-cas 

19. Daalallo-mareeg-dheer

20. Cadarin-daalallo 

21. Madhan-daalallo 

22. Faruur-cirir 

23. Kabaal-cadde

24. Jad-barbaar

25. Jad-cuur 

26. Duugato 

27. Mijin 

28. Dhawaaq-dhawr 

AF CARBEEDKA 

Af-carbeedku wuxuu ka mid yahay afafka tirada yar ee magacyo gaar ah u leh 28-ka god ee dayaxu maro. 

Manazil al-Qamar (Arabic: منازل القمر)

1. Al-Sharatain (الشرطان – The Two Signs)

2. Al-Butain (البطين – The Belly)

3. Al-Thurayya (الثريا – The Swarm)

4. Al-Dabaran (الدبران – The Follower)

5. Al-Haqa (الهقعة – A White Spot)

6. Al-Hana (الهنعة – The Scar)

7. Al-Dhira (الذراع – The Seed or The Branch)

8. Al-Nathrah (النثرة – The Nursery)

9. Al-Tarf (الطرف – The Gaze)

10. Al-Jabhah (الجبهة – The Forehead)

11. Al-Zubrah (الزبرة – The Mane of the Lion)

12. Al-Sarfah (الصرفة – The Changer of the Weather)

13. Al-Awwa (العواء – The Barker)

14. Al-Simak (السماك – The Unarmed)

15. Al-Ghafr (الغفر – The Lid)

16. Al-Zubana (الزبانان – The Claws)

17. Al-Iklil (الإكليل – The Dome of the Head)

18. Al-Qalb (القلب – The Heart)

19. Al-Shaulah (الشولة – The Sting)

20. Al-Na’am (النعائم الواردة or النعائم الصادرة – The Dragon’s Head)

21. Al-Baldah (البلدة – The City or District)

22. Sa’d al-Dhabih (سعد الذابح – The Fortunate Assassin)

23. Sa’d Bula (سعد بلع – The Fortunate Aviator)

24. Sa’d al-Su’ud (سعد السعود – The Wretched of the Wretched)

25. Sa’d al-Akhbiyah (سعد الأخبية – The Star of the Dungeons)

26. Al Fargh al-Awwal (الفرع المقدم – The Upper Hole of the Flask)

27. Al Fargh al-Thani (الفرع المؤجر – The Lower Hole of the Flask)

28. Batn al-Hut (بطن الحوت – The Belly of the Fish. 

AF INGIRIISIGA

Afka Ingiriisa iyo kuwa kale oo badan oo rafiiq ahi ba markii cirka loo baxay saboolnimo badan ayaa ka muuqatay oo waad u jeeddaan in tiro koow laba ah uu adeegsanayo oo laga horreysiiyay Station oo macneheedu god yahay. Halkaana waxa ka muuqata in afkeennu kaga hodansan yahay kolka xaggaa Xiddigiska loo kaco. 

Station 1 

Station 2 

Station 3 

Station 4

Station 5 

Station 6 

Station 7 

Station 8 

Station 9

Station 10 

Station 11 

Station 12 

Station 13 

Station 14

Station 15

Station 16

Station 17

Station 18 

Station 19 

Station 20 

Station 21 

Station 22 

Station 23 

Station 24 

Station 25 

Station 26 

Station 27 

Station 28. 

La soco …

Advertisement

Ku Xayeysiiso