Bililiqo xoogan oo loo geystay dukaamanka dadka ajanabiga ah ee Magaalada Johansberg

Ciidamada Boliiska ee dalka K/Afrika ayaa xabsiga dhigay in ka badan 70-ruux oo falal bililiqo ah u geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah ee ku sugan magaalada Johansberg.

Ciidamada boliiska ayaa rasasta cinjirka ah ku kala eryay dadkaasi ka dambeeyay falalka boobka ah waxaana  warku intaa ku daray In ay gubeen gawaari fara badan oo yiillay hareeraha wadada.

Bililiqada loo geystay dadka ajanabiga ah ayaa yimid xilli ay magaalada Johansberg ay ka socdeen bannaanbax ashtako ah oo lagu dalbanaayey in dalka laga saaro ganacsatada ajanabiga ah.

Guddoomiyaha xafiis goboleedka iyo saraakiil kale ayaa cambareeyay tallaabadaasi lagula kacay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah ee Magaalada Johansberg

Advertisement

Ku Xayeysiiso