Mareykanka iyo 10 dal oo dhoolatus ciidan ka wada badda koonfureed ee Shiinaha


 

Sideed Markab oo kuwa dagaalka ah ,diyaaradaha dagaalka,iyo kun shaqaale ah ka socda Mareykanka iyo toban waddan oo dhaca koonfurta Aasiya ayaa manta ka qeybgalaya dhoolatus ciidan oo ka bilowday biyaha badda ee kulaala koonfurta Shiinaha.

Dhoolatuskaan oo ah kii ugu horeeyay ee dhexmara urur weynaha gobolka koonfurta Aasiya iyo xukkuumadda Washington waxa uu soconayaa muddo shan cisho ah,kaas oo ka bilaabanaaya saldhigga Maraakiibta Sattahip ee dalka Thailand wuxuuna ku dhamaanayaa biyaha badda ee dalka Singapore.

Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalka Mareykanka ee gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa Beijing iyo Koonfur-bari Aasiya,taas oo ku saabsan muranka Badda Koonfurta Shiinaha oo ay sheegtaan dalalka Brunei, Malaysia, Vietnam iyo Philippines.

Xukuumadda Shiinaha ayaa lagu waramay in ay heegan galisay iidamada badda dalkaasi,inkastoo aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto dhuulatuskaasi ciidan ee ay wadaan Mareykanka iyo toban dal oo ka tirsan Aasiya,gaar ahan koonfurta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso