waa ilaahay mahadii marhadday gobolada barigu fahmeen colaadii puntland usoo waaridi jirtay

marka hore waxan salamayaa bahda togaherer iyo akhyaarta sharafta badan ee ku xidhan , inta kadib waxa baryahan danbe isasoo tarayay baaqa ay jeediyaan wax garadka  kala duwan ee ku nool gobollada bari ee somaliloand, taas oo ay ugu danbaysa ciidanka qaranka soomaliland ee fadhiisu yahay buuhoodle oo puntland ugu baaqay inay gobolka ka dayso xasilooni dar ay la doonayso iyada oo adeegsanayasa maleesho beleed gobolka u dhashay waxaana looga digay arintaas.

hadaba dadka ku nool sool, sanaag  bari iyo buuhoodle ayaa hadda sifiican u fahmay colaada ay puntland soo waarido una sheegay inaan mar danbe deegaanadooda aan laga hurin doonin colaaad.

sida aynu la wada socono puntland ayaa marar badan dagaalo ka riday gudaha gobollada bari ee somaliland iyada oo aan ciidan puntland ka socda soo diran ,taa badalkeedana adeegsatay maleesho beeleedyo u dhashay gobolka gobolladan.

waxa kale oo aan ognahay inaan xuduuda dhinaca puntland marna lagu dagaalamin, dhamaan wixii dagaal dhacay waxa ay ka dhacayeen dhinca soomaaliland.

laakiin markii puntland reer sool ugu hanjabeen in garoowe lagu dagaalami doono haddii ay mar danbe colaad kasoo huriyaan xuduuda dhinaca somaliland ay u cadaatay in lagu fahmay dibin daabyadii ay la maaganaayeen gobolada bari.

guntii iyo gabagadii waxaan soo jeedin lahaa gobolada bariga soomaaliland ha ka digtoonaadaan colaada aan geedna loogu soo gaban ee marwalba laga rido gudaha somaliland iyada oo waliba aan cidi ka dhiman puntland ee ay adeegsadaan dadka deegaanadaasi ku nool.

Allaa mahad leh

Abdilahi Ali derie ( A.A.DERIE)

email. abdilahi_3@hotmail.com

Tel :  0634465037

Gabiley somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso