Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Muuse Biixi Ma Siyaasibaa? 3-3 (Qaybtii 80aad) Qore: Maxamed Xoosh

Muuse Biixi waxaa culays ku haya dhawaaqa ka soo yeedhaya dadweynaha Somaliland oo u badan Madaxweyne DARAB,GOO Musuqmaasaqa waa arinta keentay Gunti-giijis ama Handaraab dhaqaale wuxuu iila eegyahay arin maamul dhaqaale balse arin siyaasi uma eeka

Arinka ah in la saxo dhamaan shaqaalaha dawlada ee rasmiga ah oo imika iila muuqda inuu galay wajigii ugu cuslaa in laga sifeeyo ciidanka ASKARIGA CAAGLAHA AH ama raga ku qaata mushaharo iyo raashin askar aan jirin waa arin maamul sixid iyo ciidan isaguna uma eeka siyaasi

Sida la ogyahay waxa ku bixi jiray xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta beelaha Somaliland lacag ku dhaw 50 malyuun oo dollar iyadda laftigeeda waa la joojiyay arinkaasina uma eeka siyaasi

Qaranimadda si loo dhiso waxa lagu bixiyaa naf iyo maal “baad joogto ah” waa hadii la doonaayo inay wax kala socdaan Madaxweyne Cigaal ayaa odhan jiray ma waxaad aragtay dad wadankoodii laga laaluushaayo

Wey adag tahay in uu Siyaasi kastaa noqdo Hogaamiye waayo hogaamintu wey ka saraysaa siyaasinimadda, hogaamiye weli wuxuu ka shaqeeyaa oo awood ku leeyahay bulshooyinka soo koraya oo u baahan ku daysho wanaagsan oo wadadiisa raacdaan.

Waxa muuqata in Madaxweyne Muuse Biixi u nugul yahay hadalka dadweynaha oo ah go,aamadayadda qaado Waxaan ka jeclaa siday isaga la tahay inuu inagu maamulo falcelinta caamadda lama qaato waase la dhagaystaa

Marka kuu noqoto Wasiir Maaliyadeed daacad ah oo lacag ururinaya iyo Wasiir Maaliyadeed oo Daacadnimadiisu yartahay balse miisaaniyadda sanad walba kordhinaaya 30% keed qaadan lahayd ?

Iyaddoo lagaa doonaayo boqolaal malyuun oo dollar oo musharo ah ama ilaahay inaguma keenee dagaal ciidanka qabsado, sideed wax u maamuli lahayd ?

maantana dad badan oo baahan oo shacab ah ayaa doonaaya in noloshooda kor loo soo qaado iyo …….

Sideedaba Siyaasaddu akhlaaq iyo damiir iyo dadnimu shaqo kuma laha taasi waa marka runta laga sheego arimaha siyaasadda “Anigu se waxaan aaminsanhay aragti kale” xaga siyaasiga manta joogaa uu kolba la leexanaayo cida leexata isagoo daba socda dan iyo yaan ka helayaa waxaan rabo

Walaahu Aclam

Advertisement

Ku Xayeysiiso