Madaxweynaha Hindiya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee DFS u magacowday dalkasi

 Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Marwoo Faadumo C/llahi Maxamuud (insaaniya)ayaa gudbisay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo,iyadoo munasabad looga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi Hindiya.

Munaasabadda oo si heer sara ah loo soo agaasimay waxaa safiirka ku wehlinayay diblomasiyiin ka tirsan safaaradda oo uu ugu horeyo lataliyaha kowaad ee safaaradda Axmed Maxamuud Maxamed(Axmed xiish) iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda.
Marka ay gaareen aqalka madaxtooyada Dalkaasi Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuseed oo ay maraan safiirada gudbinaya aqoonsiyada.

Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dfalkaasi Hindiya Faadumo C/llaahi Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeelatay madaxweynaha dalka Hindiya Mr Ram Nath Kovind,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee Soomaliya iyo Hindiya,iyo sidii wadashaqeyn dhow ay u dhexmari lahayd safiirka cusub iyo madaxda dalkaasi Hindiya.

Safiirka ayaa u faah faahisay madaxweynaha dalka Hindiya,xaaladaha Soomaaliya,horumarada lagu talaabsaday iyo muhiimadda ay leedahay in labada dal Hindiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan ilaqaadka diplimaasiyadeed ee labada dhinaca.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalkaasi Hindiya Ram Nath Kovind ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud(Insaaniya) oo ay u gudbisay warqadeheeda madaxtooyada Qaranka dalkaasi Hindiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay dib u soo celinta xiriirkii diplomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay dowladdo badan oo dunida kamid ah,dalka Hindiyana wuxuu kamid yahay wadamada xiriirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya,marka loo fiiriyo wadamada dhaca Qaaradda Assia,waxaana jira wadamo badan oo kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso