XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|

XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA

W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|

28-kii sano ee ugu dambeeyay ummadda JSL waxay haysteen oo ay ku naaloonayeen nabad buuxda iyo deggenaansho. Sidoo kale waxa jira horumar la taaban karo oo dhinacyo badan leh. Waxa kale oo aynu qaadanay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, dalkana waxa ka qabsoomay doorashooyin kala duwan oo lagu tartamay. Arrimahani waa KARTI IYO AWOOD SHACAB oo aad u qiimo badan oo aynu ummad ahaan ku faani karno, isla markaana ay waajib inagu tahay in aynu ALLAH (SWT) uga mahad-naqo. Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa iyagu hore iyo haatanba ahaa kuwa arrimahan saldhiga iyo laf-dhabartaba u ahaa.

Waqtigan xaadirka ah, haddii aad u fiirsato xaaladaha ka jira Dalkeena, waxa si cad u muuqata in Dareenka Qabiilka iyo ku Dhaqanka Qabyaaladdu ay noqdeen MIN-QIYAASKA iyo HALBEEGGA jiheeya qaabka fikirka bulshada, hannaanka dhaqan-dhaqaale iyo ka nololeed ee qaybo badan oo ka mid ah ummadda JSL. Danta iyo Dareenka Qabiilka ayaa haatan marba marka ka dambaysa ka awood badanaya Dareenka ummadnimo ee bulshadeena midayn lahaa meelna u wada jeedin lahaa!

Haddaba, waxa nasiibdarro ah in 28 sano ka bacdi, horumar kasta oo uu Qarankeenu ku tallaabsado ay weli daboolayaan Tabashooyin Beelaysan oo salka ku haya inaan Beesha Reer-hebel xukuumadda ka helin sadkii iyo saamigii ay xaqa u lahaayeen. Miyaanay nasiib darro inteeda leeg ahayn marka daryeelka danaha Qabiilka laga horraysiiyo dananaha guud ee ummadda iyo halka ay maslaxadda Qaranku ku jirto??!!

Marka Hanka, Himilada iyo Hiigsiga shacabku ay hoos u dhacaan, waxa ummadda la soo dersa xaalado adag oo halis ku ah wadajirkooda iyo jiritaanka Qarannimadooda.

Qof ahaan waxaan is leeyahay, malaha ilaa hadda si fiican looguma hawl-gelin in bulshadeenna la baraarujiyo, la wacyi geliyo oo lagu beero dareenka waddaninimada, ka midnimada, ka dal-jacaylka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran inuu mudnaanta koowaad siiyo danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qaranka.

Midnimada iyo Wadajirku Bulshadu waa awood iyo cudud adag oo aan la loodin karin oo ay ummad kastaba iskaga difaaci karaan cadawgooda noocyada badan leh. Midnimada iyo Wadajirku waa duxda iyo nafaqada kobcisa wax-wada-lahaanshaha, is-aaminaada iyo kalsoonida ay shacabku dhexdooda isku qabaan. Midnimada iyo Wadajirku waa dabarka isku haya jiritaanka iyo ahaan-shaha ummadnimo taasoo kobcisa dareen-wadareedka guud ee shacabka.

Xukuumadda waxa waajib ku ah inay si dhab ah u dareento mushkiladaha ka dhalan kara kala-qaybsanaanta iyo kala-furfurka Bulshada. Xukuumadda wax dan ahi uguma jirto kala-qaybsanaanta iyo tafaraaruqa ummaddeeda. Ummadda oo isku duuban oo mid ah ayaa Xukuumadda lafteeda danteedu ku jirtaa, waayo waxay si fudud u hirgelin kartaa qorsheyaasha horumar iyo kuwa siyaasadeed ee ay leedahay.

M/weyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa waxa la gudboon inay dedaal dheer oo qorshaysan u gasho sidii loo midayn lahaa ummadda JSL isla markaana loo adkayn lahaa wadajirkooda. Xukuumaddu waa inay la timaado aragti, hal-abuur iyo barnaamijyo tayo leh oo kor loogu qaadayo Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo, Wadajirka iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.

Ummad ahaan, haddii aynu doonayno inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay, waa in aynu ka gudubno isku-muuqashada iyo in aynu inagu dhexdeena isku mashquullo. Waa in aynu ka feejignaano wax kasta oo carqalad ku keeni kara ahaanshaheena ummadnimo, wada-jirkeena, isku-duubnideena iyo qiimaha ay Qarannimadu leedahay.

Guntii iyo gabagabadii, xalka keliya ee lagaga gudbi karo marxaladan adag iyo xaaladaha cakiran ee waqtigan xaadirka ah ka jira Dalkeena waa: ADKAYNTA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA JSL. Taasina waxay ku iman kartaa Wada hadal, Is-qancin, Wada-tashi, Tudhaale & Isu-tanaasul, Caddaalad & Sinnaan, iyo in si Siman loo wadaago Dheefta iyo Khayraadka Qaranka!!

Wa Billaahi Tawfiiq,
ALLAA MAHAD LEH,
W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Advertisement

Ku Xayeysiiso