Nabad caddaalad baa lagu Nuugaa

Waxa isasoo taraaya hadalada aan ka fiirsashada iyo meel udayga lahayn ee siddii ruux qarras iyo dacari ku kacday oo lalabyo wixii uurka iyo laabta yiil dabada ka keentay, ugasoo baxaaya afafka masuuliyiinta dawlada, weedho iyo ereyo deelqaaf ah oo goor iyo ayaan ugu tiraabaan shir jaraa’id kastoo Xukuumadu qabato, ayaandarada ugu weyn ee jirta oo ah masuul daro, xirfad la’aan, maamul xumo, Hubsiimo daro, mooganaan iyo iyaga oo ah shaqsiyaad in wax loosheego mooyee waxba sheegi karin. 

Waxa ay noqotay markastoo masuul dawlada Kulmiye ahi hadlo in uu weedho dhiilo, xajiimayn, meel ka dhac, masuul daro iyo xumayn qayaxan oo ku aadan dad gaar ah ku hadlo. 

Kaga soo bilow dhacdadii ina Geele iyo JABUUTI waakii Af hayeenkii madaxtooyada qaranka Somaliland wuxuu ku hadlay aynu ogayn, wuxuu ugaystay muwaadinka deelqaafka iyo meel kaga dhaca uu xaqiisii muwaadanimo meesha ka saaray ee ka dhigay eedaysane aduunka soo dhacay, weyna ogayn wixii indho la’aan iyo aqoon la’aan Kulmiye iska kaashaday ee xaashida ku duugnayd uu akhriyaayey masuulkaasi. 

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa isna laga hayaa Dulqaadku waa nacasnimo!. 

Waxa jiray in isna wasiirka warfaafinta qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu siddii dhiil ciir lagu lulaayey barqo kulul lingaxa goostay ee u af-furmay ee yidhi Caare waa Xisbiga wadani iyo Hadalo laga yaxyaxay ku hadlay iyo waxay ciddii maqashaba cadho geliyey, waxa xiktay deelqaafkii qayaxnaa iyo masuul daradii uu ku hadlay taliyaha ciidamada milatariga qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo aanad moodahayn inuu yahay masuul qaran u Hadal ruux asaasaq haleeley, howshii qaranka loo igmadayna qiray inuu ku fashilmay, kol haduu yidhi meesha ciidan kumaan hayne rag meel iska jooga ayaa mushahar iska siin jiray, Takale Taani Markuu leeyey askariga Badhan joogaa waxba ma qabto ee mushaharkuu qaataa, askariga askarigiisa jooga Gabilay malaha isagu magaaladiisuu jooga, yaan joogin tiisii nacal asaf!, tuuleeyey wixii tagayaa hatago, Taaniyow nina dhulkiisa ka tegimaayo se adaa xilka ka tagaaya, 

Takale Jananku ma Markuu maqlay Caare inuu janan noqday ayuu kala wareegay, waayo xaajo waanwaan Waayeel Dhaqameed iyo mufti wax garad ah ergadeeda wadeen oo markii ay xaaajadii gudbiyeen gudoonkii madaxweynaha iyagoo sugaaya taani waakan dhooqooyey baligii nabada loo qoday, Mar haddii muwaadinka uu sifaha sharciga baal marsan ku sifeeyey taliyuhu markii xilka loo magacaabay muu o dhan waa danbiile (waa dhagar Qabe) odhan maynee, oo markii uu puntiland tagay muu odhan  waa danbiile soo qabta, oo Markuu buuraha galay muu odhan waadanbiile, se iminkoo Afka madaxweynaha la naawilaayey Maxaa keenay inuu Nuux Taani Waxan yidhaa??. 

Waa meel Illaahay wax ka wadee Odayaashii dhaqanka ee madaxyo weynta ahaa ayaa siddii kuray macawiso iyo cumaamado loo xidhay dhan walba u wadhfiyey, markii dhawaaqa taani gaadhay halkii ay ugu caqli celin lahaayeen ayey cumaamadihii iska daadiyeen, iyagaa sheeganaayey Madax dhaqameedada aan dhicin ee Illaahay bixiyo illaahayna Qaado, se in taliye ciidan oo la bedelo ay isku odhaah dhigtaan, una jawaab celiyaan hadalada la midka ah kii taliyaha ama u dhigma, waayo in suldaan, caaqil, garaad, ugaas iyo nabadoonba yidhaahdo maaha Hadduu siddaa u hadlay anakuna si kadaran baanu yeeli Af masuul dhaqan oo cumaamadan maaha waana qalad. 

Madax Dhaqameedku waa inay nabada ay darafka hayaan ee lawada hayo dacalkooda xejiyaan oo giijiyaan, colaadna in la iclaamiyaa waa ayaan daro waayo reer Somaliland geedka ayey xaajo ku xalin jireen yaa geedka ka fiigaaya?. 

Nabadu waa waxa Somaliland ku caano maashay, shacabku wuu soo arkay colaad iyo dagaal wuxuu yahay, Nabad ilaahay lagu mahadiyana wey heystaan u malayn maayo in ruux caqli qabaa Nabad colaad ku doorsanaayo, laakiin caddaalad daradu xasilooni daro ayey keentaa, caddaalada ilaahay baa caadil ahe dowladaa ka masuula, hadii dawladii caddaalad daro iyo deel qaaf dadkii iskugu darto soo nabadii ceel ku ridimaayaan, Hadal iyo dhamaan Nabadu waa Kunoolaanshaha Nolosha rasmiga ah ee raasamaalka leh ee jiilba jiil usii gudbiyo hidaha una sii dhiibo dhaqanka duugiisa, se Hubaal Nabad Caddaalad baa lagu Nuugaa ee Xukuumadu caddaalad ha ogaato. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland. 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso