SIYAASADA GABIDHACLAYNTA IYO GODOBUHU KA MUUQDAAN EE VILLA SOMALIYA cumar axmed cali


Cumar Axmed Cali

Dowlada fadaraalka ee uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo waxay u muuqata mid la daalaadhacay siyaasada ay wax ku hogaamiso, islamarkaana ku hafatay masuuliyada ka saaran in ay seeska u dhigto, siyaasad hufan oo ay dunida kula macaamisho.
Waxay u muuqataa mid urursanaysa eedo iyo nacaybyo hor leh, oo aan la saadaalin karin halka ay saldhigandoonaan.
Sida laga dareemayo go’aamada ay qaadanayaan malaha siyaasad qaangaadha ah, oo ku dhisan masaaliixda iyo danaha shacabka ay matalaan, waxay’se go’aamada u qaataan, si heedadow ah oo aan lahayn ujeedo qeexan iyo aragti cilmiyaysan oo laga baaraandagay toona.
Hadaba waxaan kalkan idiinku soo gudbin doonaa dhowr tusaale oo aan u arko in ay markhaati-fur u yihiin, kacaa-kufka siyaasadeed ee ka muuqata dowlada uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo.
1: tusaalaha koobaad waa go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii ka dhex curtay wadamada khaliijka, taariikhdu markii ay ahayd september 2017. Go’aankaasi oo ahaa, mid aanay ka muuqan khibrad diblamaasiyeed iyo fahansanaan la xidhiidha waahaya ay la ladgamayaan.
Waxay si dag-daga u qaateen go’aan aanay kala tashan, cidii talada la wadaagaysay iyo cid kale oo uga faro dhuudhuuban arimaha diblamaasiyada toona. 
Waxay iska-indho-tireen, awooda maamul goboleedyada iyo kaalinta ay ku leeyihiin go’aamada masiiriga ah ee ay qaadanayaan. 
Waxa kale oo ay ilduufeen, in ay marka horeba iska hubsadaan in ay leeyihiin awood siyaasadeed oo ay kaligood ku meel mari-karaan, iyaga oo aan taageero buuxda ka haysan maamul goboleedyada ay talada la wadaagayaan.
Si kastaba ha ahatee, waxay talaabadaasi abuurtay, tafaraaruq siyaasadeed oo soo kala dhexgalay, iyaga iyo maamul goboleedyada oo ku kala aragti duwanaaday, sida loo wajahayo khilaafka ka dhex qarxay wadamada khaliijka.
Waxa kale oo uu ismaandhaafkaasi sababay, in maamul goboleedyada badhkood qaataan, go’aan ka duwan kii ay qaateen madaxda villa Somaliya fadhidaa, taa soo waji-gabax sayaasadeed ku ahayd, dowlada fadaraalka ah ee uu farmaajo hogaamiyo.
2: tusaalaha labaadna waa, go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay sucuudiga iyo canada bishii august ee 2018, markaa soo ay dowlada Somaliya si ka fiirsi la’aan ah ula safatay dowlada sucuudiga, iyada oo indhaha ka qarsatay doorkii ay dowlada kanada ku la hayd Somalidii qaxoontiga ahayd ee dib u dajinta loogu sameeyay wadamada reer galbeedka, xili ay Somali badani nafta kala baxsanayeen xasaradaha iyo colaadaha ka oogan dhulkooda. 
Waxa uu go’aankaasi ahaa mid aan lagu xeerin abaalkii ay dowlada canada u gashay, bulshada Somalidu markii ay ka cararayeen qalalaasaha iyo qulqulatooyinka dhulkooda ku baahay, iyada oo ay dowlada canada si hagar la’aan ah albaabada ugu furtay, dadkii qaxoontiga ahaa, ee ay colaaduhu dabada ka wadeen.
Waxay ilaa maanta Somalida canada door weyn ku leedahay dib u dhiska wadanka iyo quudinta shacab badan oo dhibaatooyinkii ku habsaday ay saboolnimo badeen.
3:Tusaalaha seddexaad ee aan isna farta ku fiiqayaa waa, bookhashadii uu madaxweyne farmaajo ku tagay 28/july/2018 dalka eritrea oo go’doon siyaasadeed in mudo ah uu saarnaa. Socdaalka uu farmaajo ku tagay dalka eritrea, waxay dowlada Djabouti u aragtay mid iyada iyo Somaliya xidhiidhkooda dhiilo siyaasadeed ku ah, islamarkaana aanay ka muuqan ixtiraam iyo tixgalin ay Dowlada farmaajo u hayso Djabouti. 
Sababta oo ah, waxay dowlada Djabouti isku arkaysay, in ay tahay hooyadii dhashay dowlada maanta ka arimisa villa somaliya, xaqna ay ugu leedahay in ay dowlada muqdisho ku citiraamto talaabooyinka ay qaadayso, sidoo kalena ay mudnaan la hayd, in loogu abaal-hayo doorkii shariifka ahaa ee ay dowlada Djabouti ka ciyaartay, sidii loo damin colaadaha mudada dheer ka holcayo koonfurta Somaliya.
Waxay dowlada Djabouti gardaro iyo abaalgad siyaasadeed u aragtaa, in iyada oo aan cidina xaalaynin ay dowlada farmaajo la saaxiibto, asmara oo ay dakanooyin dhexjeefaan.
4: Tusaalaha afraad ee aan ku soo gaba-gabaynayaa waa siyaasada ay kula dhaqmayaan shacabka Somaliland, oo madaxbanaanidooda dib ula soo noqday bishii may1991, markii ay ku hungoobeen midnimadii ay Somaliya la galeen. 
Sidoo kalena ay ka dhaxleen, dhibaatooyin xanuun badan oo ilaa maanta qalbiyadooda ka sii guuxaya.
Waxaynu markhaati ka nahay, in ay jiraan talaabooyin ay dowlada muqdisho ku carqaladaynayso dhaqdhaqaaqyada maalgashi iyo ganacsi ee ay Somaliland dunida la wadaagayso, ku waa soo muujinaya in ay jiraan cadaawada iyo nacaybka ay madaxda muqdisho ku hayaan shacabka Somaliland, sababta oo ah, ninka maanta doonaya in uu la dagaalamo maalgashiga iyo horumarka lagu samaynayo dhulka Somaliland, oo da’yarta ku nooli la daalaadhacayaan duruufaha ay shaqo la’aanta ka dhaxleen, maaha mid loogu cudur-daari-karo in uu yahay midnimo raadis.
Waxa kale oo aynu arkaysaa sida loo turun-turaynayo xoolaha ka dhoofa dakada berbera oo ah laf-dhabar dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin bulsho badan oo sabool ahi, ku waa soo marka horeba la xarbiyayay sidii ay noloshooda u maarayn la haayeen.
Si kastaba ha ahaatee, waxay shacabka Somaliland garwaaqsan yihiin, in aanay cidina uga cadowsanaynin, cidda ku fikiraysa in ay curyaamiso ilaha dhaqaale ee shacabka Somaliland leeyihiin ama ay in uun rajo ka qabaan in ay mustaqbalka wax ka dheefidoonaan.
By Cumar Axmed Cali.Cumaraxmed331@gmail.com. tel: 0634244802

Advertisement

Ku Xayeysiiso