Ururada bulshada rayidka ah ee madaxabanaan oo heshiis is-afgarad gaadhay maanta


Maanta oo sabti ah, 24 August 2019, is-bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan (ISCO Somaliland) waxay saxeexeen Heshiis Is-afgarad oo noqon doona xeerka maamulaya is-bahaysiga ururada bulshada rayidka ah ee madaxa banaan ee Somaliland.

Ururo ka kala socda gobolada dalka oo dhan oo ka shaqeeya arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka shaqeeya xuquuqda beelaha la hayb sooco, dhalinyarada, xuquuqda dumarka, cilmi baadhista, dimoqraadiyadda, xuquuqda caruurta, u doodista xuquuqal insaanka, iyo horumarka.

 Ujeedada laga leeyahay waa in la abuuro hanaan ay isku kaashaan karaan ururadani si ay uga shaqeeyaan arimaha dimoqraadiyadda.

 Ururadu waxaay ka shaqayn doonaan hadba sida u danta ah dimoqraadiyadda iyo in bulshadu ka qayb qaadato talada dalka si ku dhisan mabaadida dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah.

 Is-bahaysigu wuxuu bartilmaameedsan doonaa ururada deegaanada ka shaqeeya ee bulshada ku dhow, gaar ahaan gobolada caasimadda ka baxsan.

 Is-bahaysigu waa mid u furan dhamaan ururada madaxa banaan ee ka tirsan bulshada rayidka ah. Shardiga u wayni waa in ururadu ay si buuxda ugu madax-banaanaadaan si loogu ogolaado inay ku soo biiraan is-bahaysigan.

 Waxa naga go’an in aanu abuuro nidaam raagi kara oo abuura wada shaqayn firfircoon oo u jawaabta shacabka, cidda xisaabisaana tahay shacabka.

Waxa waajib ku ah Is-bahaysiga inay siyaasad ahaan noqdaan kuwo ka madax banaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso