Khabiir Dawladda Maraykanka Kula Taliyey inay Somaliland ka qaadaan Xanibaadaha Socdaalka

“Waa nacasnimo in  gabadha ay rafiiqa yihiin Boris Johnson loogu diido inay gasho Maraykanka booqashadeedii  Somaliland darteed”

Michael Rubin oo aqoon-yahan ka tirsan machadka American Enterprise Institute, isla markaana ka tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalkaas, ayaa Maraykanka u soo jeediyey in la joogo xiligii saxda ahaa ee Maraykanku qunsuliyad ka furan lahaa Somaliland isla markaana ku yeelan lahaa xafiis diblomaasiyadeed oo la mid ah kuwa uu ku leeyahay  Kurdiyiinta Ciraaq iyo  Taiwan.

Michael Rubin wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu maanta ku daabacay Wargeyska Washington Examiner oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu nacasnimo ku tilmaamay go’aanka Dawladda Maraykanku ay fiisihii ugu diiday gabadha ay isku lammaan yihiin Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo la yidhaahdo Mrs. Carrie Symonds oo u dhalatay UK, taasi oo dal-ku-galkii Maraykanka loogu diiday  inay booqatay sannadkii hore Jamhuuriyadda Somaliland.

Michael Rubin wuxuu sheegay in Somaliland oo hore u ahaan  jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray isla markaana ay  aqoonsadeen dawladaha waaweyni ee adduunka, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray.

Rubin wuxuu sheegay in Somaliland  ay hirgelisay  dawladnimo dimuqraadi ah oo shaqeynaysa, waxaanu tilmaamay inay Somaliland xukunto dhul masaafadiisu dhan tahay 50 kun oo Mayl oo laba jibaaran, halka dawladda Muqdisho oo Maraykanku bilaayiin doolar geliyeyna ay ka taliso 50kun oo tallaabo.

Khabiirku wuxuu sheegay in haweenayda ay rafiiqa  yihiin Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska ay ku tagtay Sannadkii hore Somaliland, iyadoo ay weheliso gabadha reer Somaliland ee u ololaysa cidhibtirka gudniinka fircooniga, waxaanay booqdeen cisbitaalka Edna Aadan oo ahaan jirtay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland.

Aqoon yahan Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey inay Somaliland hoggaaminayso  wax ka qabashada  arrimaha deegaanka dabiiciga ah ee mandaqada  oo ay si  adag dagaal ugula jirto xakameynta dhuxulaysiga  iyo ka ganacsiga duurjoogta, waxaanuy iftiimiyey  in dugsiga Abaarso ee magaalada Hargeysa ay ardaydii ka soo baxday wax ka bartaan jaamacadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

Khabiirku wuxuu ku booriyey inay dawladda Maraykanka  si isku mid u taakulayso dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanu ku dooday inay Somaliland tahay dal xasiloon oo soo jiidanaya shirkadaha caalamiga ah sida shirkadda Coca Cola oo ganacsi ku leh.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey inay Somaliland tahay meel aanay Cagta saarin Madaxweyne Soomaaliya ka socdaa muddo  tobannaan sanno ah, waxaanu qiray inay Somaliland tahay dal ka duwan Soomaaliya sida ay u kala duwan yihiin Shiinaha iyo Taywaan oo kale, waxaanu kula taliyey Maraykanka inay ka qaadaan Somaliland  xanibaadaha Socdaalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso