Khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey isbuurasho ka dhacday garoon kuyaala Caasimadda Algeria

Wararka laga helayo dalka Algeria ayaa sheegay in ilaa 5 qof ay geeriyootay dad ka badan 20 kalena ay dhaawacyo soo gaareen kadib isbuurasho ka dhacday garoon kuyaala magaalada Caasimadda ee dalkaasi Algeria ee Algeris.

Warbaahinta Dalkaasi ayaa ku waramayasay in garoonka isbuurashadu ay ka dhacday ay ku sugnaayeen kumanaan shacab ah,kuwaasi oo u soo daawasho tagay show uu soo bandhigayay mid kamid ah fanaaniinta caanka ah ee dalkaasi oo lagu magacaabo Abderraouf Derradji.

Ilaa iyo haatan lama shaacin waxyaabaha sababay is buurashadan oo ka dhacday mid kamid ah albaabada laga soo galo garoonkaasi oo uu ka socday bandhig faneedka,balse waxaa la sheegay in dadku ay dareemeen cabsi.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalo kuyaal caasimadda dalkaasi Algeria ee Algeris,waxaana warbaahinta maxaliga ah ay sheegayaan in dadka dhintay ay ku jiraan 5 qof oo dhalinyaro ah oo 2 kamid ah ay gabdho ahaayeen.

Majiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dowladda Algeria ee ku aadan dhacdadan iyo waxyaabaha sababay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso