Guddoomiyaha Baanka Dhexe Dalkaa U Baahan.

Gudoomiye Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac “Baqdaadi” waxaan aqaanay mudo ku siman sannad iyo badh oo ah intii uu xilka hayey runtii waxaan isku baranay hawlaha qaranka iyo u adeegista ummada, waa nin ka sakow khibrada iyo aqoonta uu u leeyahay hawlaha baananka ku nasiib badan xilka uu hayo, intii uu joogay waxa istaagay baaxaa dagii xawliga ahaa ee shilinka.
Ogaalkayga wuxuu kormeero shaqo oo midho dhal noqday lana mahadiyey ku gaalaa bixiyey gobollada dalka waxa u danbeeyey safarkiisii Togwajaale oo dhawaan laga yegleeli doono xarun baanka dhexe ku yeesho tii ugu horaysay taariikhda Somaliland, waxaaan ogahay in xeerar muhiim u ah ka midho dhalinta iyo xaqiijinta hawlaha baanka la ansixiyey muddadii uu joogay. arrinta cajiibka ahi waxa weeye in gudoomiye baqdaadi yahay masuul arragti fog leh waa nin dareensan CAALAMKA DHAQAALAHA iyo waxa ka socda iyo sida ugu haboon ee somaliland ula fal geli karto.
Malahayga waa maskaxdii ka danbaysay shirkii hay’addaha maaliyada ee dhawaan dalka ka dhacay, “waxaanu rabnaa in somaliland noqoto xarunta dhaqaalaha geeska Africa”. regional economic hub waa hadal ku jirey khudbad uu ka jeediyey furitaankii shirka, waar aqoonta aan taageerno dan guud iyo dal waxa horumariya dad danahooda gaarka ah iloobay, yeynaan xagxagan nin doorkeena “Baqdaadi waa shamac gubanaya oo dadkiisa iftiin dhaqaale u soo sida” anniga oo mulkiilaha hadhwanaag iixtiraam badan u hayo waliba ku ammaanaya doorka hogaamineed ee uu kaga jiro mareegaha soomaalida waxaan odhan lahaa “Saaxiib dagaalku yuu kaa xumaan”

W/Q: Abdirashid Mohamed Jama “Belel”
Email: governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso