Xuska Boqol Sanno Guurada Boorame oo la soo Gabogabeeyey

Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa  ka qayb galay xaflada  xidhitaanka boqol sano guurada kasoo wareegtay aasaaska magaalada Boorame.

Munaasibadda loo qabtay boqol sanno guurada ka soo wareegtay aasaaska magaalada Boorama ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey halkaasi ka socotay. Waxaana lagu bandhigay Taariikhda Boorame iyo isbeddelka Bulsho iyo horumarineed ee ay ku talaabsatay boqolkii sanno ee ay jirtay.

Waxaana munaasibaddaasi ka soo qayb galay Wasiirarda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, Horumarinta Caafimaadka, Ganacsiga, Masuuliyiinta degmada Boorame, Madax dhaqameed, Abwaano Fanaaniin, Dhallinyaro iyo Haween iyo masuuliyiin xilal hore soo qabtay.

Maayarka magaalada Boorame  Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhammaanba dadkii kasoo qayb xafladaasi.

Masuuliyiin iyo madax dhaqameed ka hadlay xafladdaasi ayaa ka waramay Taariikhda magaalada Boorame waxanay ka faalooday sifooyinka wanaagsan ee ay ku caanbaxday magaaladaasi iyagoo tilmaamay inay laf dhabar u tahay qaranimada JSL.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso