Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Axsaab Sharciyad Aan Lahayn (Qaybtii 79aad)Qore: Maxamed Xoosh

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxa ii muuqda oo hayaa in ka badan 100 mushkiladood oo ay leeyihiin Xukuumadahii tegay iyo kuwa jooga iyo weliba kuwa soo socda ee aan la dooran maxaan uga jeeda ?

Axsaabta Somaliland ka jirtaa waxay isku dayayaan in dadweynaha taageeraa had iyo goor si caadifad iyo laab la kac u abaabulmaan oo meesha laga saraaro in si caqli ah loo fahamsiiyo waxa ka jira dalka !

Xukuumaddu sharciyad ku heli mayso waa la I doortay oo sanduuq ayaan kursiga ku fadhiyaa oo keliya 
Waxa jira shaqo loo doortay xukuumadda hadii shaqadii loo doortay ka soo bixi weydo sharciyadii wey ka dhacday oo waxay isku mid noqonayaan golayaasha 15 ku dhawaad fadhiya kuraasta barlamaanka iyo guurtida

Sadexda xisbi qaran ee dalka ka jiraa inay KACEEN oo mufaliseen waxa ka markhaati ah weli maynaan arag haba yaraatee kaadir ka mid ah xisbiyadda jira oo muxaadaro laba saacadood ah jeediyay kaga waramayo xaga loo socdo iyo waxay damacsan yihiin isagoo raacinaaya god daloolada Xukuumada Muuse Biixi oo cilmiyaysan

28 sano ee dalku xornimadiisa la soo noqday shacabku wuu hormaray dhinacyo badan, dawlada wey gaabisay duruufo badan oo jira iyo iyadoo lugta la hayo waxaase meesha ku lumay shakhsiyadii qofka Somalilander-ka ahaa oo ku soo koobantay ADIGU WAXAAD TAHAY WAXAY REERKIINU YIHIIN taasi waxay keentay raadka maanta la hayo

Arinkaasi waxay keensaady in Somalida ka ugu liita inuu noqdo ka waxbarashada lagu tuhmaayo lama yaabo Engineerku farsamadaa uu bartay mooyee, arimihii kale waxaa ku dhaamma muwaadinka caadiga ah waa “farsamo yaqaan casriya ”

Sidoo kale Diktoorku dawaynta qofka xanuusanaya mooyee arimihii siyaasadda iyo bulshada muxuu ka ogyahay “Dabiibkii dhaqanka oo shahaadad sita” Inanka dhalinyarta ah ee markaa jaamacada ka soo baxay in culays la saaro ayaa dhib kale ah

La Soco

Alle Mahad Leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso