“Golaha Wakiillada ee la soo doorto ayaa wax ku kordhin doona xubnaha Komishanka” – Wasiir M. M. Diiriye

“Golaha Wakiillada ee la soo doorto ayaa wax ku kordhin doona xubnaha Komishanka” – Wasiir M. M. Diiriye

Hargeysa, (Togaherer) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in saddexda xisbi ay ku heshiiyeen in arinta kordhinta xubnaha guddida doorashooyinka loo gudbiyo Golaha Wakiilada, hadii Golaha Wakiiladu ay diidaan oo ay dib usoo celiyaana lagu wadashaqeeyo sidii hore ee todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxa uu tilmaamay in xubno siyaasiyiin xisbiyada ka tirsan oo arintaasi ka hadlay aad moodo inay iskaga darsameen shaqadii ay kala lahaayeen saddexda waaxood ee dawladda ee fulinta, xeer-dajinta iyo Garsoorku ay kala lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay Wasiir Maxamed Muuse Diiriye.

“Golaha Wakiiladu waa kuwii maalintii dhaweyto heshiiskii saddexda xisbi laalay, saddexda xisbi waxa ay ku heshiiyeen xeerkaasi waxaynu u gudbinaynaa Golaha Wakiilada, hadii uu diido oo uu soo celiyo waxaynu ku wadashaqaynaynaa tii hore, Golaha Wakiilada ee la soo doortay ayaa wax ka kabadali doona ama wax ku kordhin doona xubnaha Komishanka Doorashooyinka wixii laga yeelayo oo kordhinta Komishanka wax ka qaban doona.

Waa laba qodob oo iskdaba yaala waxaynu ku heshiinay in qaabkii aynu ku heshiinay ay Golaha Wakiiladu ku soo ansixiyaan, hadii ay soo ansixin waayaana todobadii xubnood lagu shaqeeyo oo Golaha Wakiilada ee dambe loo daayo kordhinta xubnahaasi.

Mar labaadka Golihii Wakiiladu way diideen, Golaha Wakiiladu waxa aynuu nahay saddex hay’addood oo qaranku ku dhisan yahay oo ah fulintii, xeer-dajintii iyo garsoorkii ah oo way kala madaxbanaan yihiin, waxa hadalada ka muuqatay ama xisbi ha ahaadaan ama ash-khaas shaqsi ahaan u hadlay ha ahaadaane aad moodaysay inay wixii iskaga darsameen.

Golaha Wakiiladu ama Baarlamaanku waa hay’add xeer-dajin ah, halkanaa laga xukumaa iyo halkanaa laga xukumaa dee ma taalo, waa tiir saddexdii tiir ee qaranku ku taagnaa ka mid ah, way diideen xisbiyadu markii ay ku heshiinayeen hadii ay diidaan oo ay soo celiyaan, wadadaa kale ayaa inoo furan oo doorashadii aynu galno oo ay socoto ayaa lagu heshiiyey, iima muuqato hadii wax god muluc ah in laga baadhbaadho oo laga daydayo aniga iima muuqato, sababtoo ah waa gole xeer-dajineed oo hawshiisa iyo xeerarkiisa qaabka uu u arko iyagay u taalaa, hadii la leeyahay goleheenu xeerar buu jabiyey ama nidaamkii ayuu ku tuntay waa waji kale oo nidaam loo maro leh,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye

Advertisement

Ku Xayeysiiso