Cilmi iyo Neef hawo Ciddi kama dheregtee 

Koonku (Universe) intuu leeg yahay maxaad ka ogtahay?  Qaybtii 2aad

Gaalaksigeenu waxa uu ka midyahay koox Gaalaksiyo ah oo laysku yidhaahdo kooxda wada taala ama jiiraanka (local Group), waa in ka badan 50 Gaalaksi waxayna ku yaalaan ama ku fadhiyaan masaafo dhan 10 milyan oo sanad ilays {light years} waxaana ugu wayn M31 ama Andromeda galaxy, waxa ku xiga Gaalaksigeena ka seddexaad ee ugu weyni waa M33 isna, Galaksiga Andromeda waxa uu inoo jiraa 2.5 milyan light years ama laba milyan iyo badh sanad ilays, waa masaafo durugsan oo dheer, haddii ay suuro gal noqoto in xawaaraha ilayska lagu Socon karo waxay qaadan lahayd wakhtiga lagu gaadhi lahaa Gaalaksiga inoogu dhaw ee M31 ama Andromeda laba milyan iyo badh sanadood, hubaal waa masaafo aan laga gayoonahay oo ruuxna u socoto bixi karin. 

Siddoo kale kooxdeenan jiiraanka ah iyo kooxo kale oo Gaalaksiyo ah oo inaga tiro badan ayaa laysku yidhaahdaa (Cluster), iyana siddoo kale Clusters kale oo is biirsaday oo yaala aan wadaagin wax cifisjiidad ah hase yeeshee dhawaansho iskugu xidhan ay masaafo aan laga geyoon karin hadana u dhaxayso ayaa waxa laysku sii yidhaahdaa Super Cluster, markaa waxaynu ka mid nahay (virgo Super Cluster) virgo super cluster waxa uu ka kooban yahay in ka badan 47,000 Gaalaksi ama Goosan, halkii goosanba waxa uu ka koobanyey boqolaal Bilyan oo xiddigood, waa Xiddigo badan masaafada ay ku fadhido virgo super cluster waa masaafo bilyano light years ah oo aanay suurto gal ahayn in koone ilaa koone loo kala goosho ama loo kala gudbo, Haddaba waxa mucjiso ah virgo super cluster baaxadaa leeg marka loo eego Koonka ama Universe ka inta inoo muuqata oo kaliya virgo super cluster waxuu ka noqonayaan Bar dhibic ah waayo (super cluster) kale oo ka waaweyn keena ayaa jira iyo balaayiin Clusters oo kale, meeraheena Dhulka aynu ku guud noolnahay Koonka inta inoo muuqata waa ka ilma aragtay ama Waxaan muuqan, Bal abuurta Illaahay, Koonka aynu ku dhex noolnahay waa koon aad u weyn se illaahii sameeyey ayaa hubaal ka weyn, 

Allaahu akbar 

Mahad oo dhan isagay u sugantahay

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso