Yugaandha: 10-qof oo ku dhimatay qarax ka dhashey Gaadhi siday shidaal

Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku dhimatay galbeedka dalka Yugaandha,ka dib markii uu qarxay gaadhi siday shidaal oo ku dhacay sadex gaadhi oo kale.

Boliiska dalkaasi ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dadkaasi  dhintay ay gubteen ka dib kolki shidaal uu waday Gaadhigaasi uu qabsaday dab.

Gaadhigaasi xamuulka ah ee siday shiidaalka ayaa warku intaa ku daray in uu ka yimid dalka Kenya.isla markaana uu ku socday Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo.

Illaa 30-meherado oo kuwa ganacsiga ah ayaa ku gubtay qaraxii ka dhashay shidaalka saarnaa Gaadhigasi,waxaana Afhayen u hadlay ciidamada Boliiska dalka Yugandha uu sheegay in laba Gaadhi oo Taksi ah iyo mid kale oo siday 20-qof ,ay soo gaadheen waxyeello.

Advertisement

Ku Xayeysiiso