Dadka maxaa ka dhaxeeya ??? (kali kali ilaa koox koox)


Dadka maxaa ka dhaxeeya ??? (kali kali ilaa koox koox)

Dadka bilowgii soow keli-keli duurka uguma ay nooleeyn. Dabeedna, koox-koox, bulsho-bulsho ama beel-beel umay deggin. Bilowgii nolasha cid kaste, iskeed bay ugaadhsi iyo qabaadhsi ugu nooleeyd… Bulshada oo markaste sii kordhaaysay, kheeyraadkuna uu yahay isla kii, dadkii waxa mideeyey dantooda u weeyn oo aheeyd biyo iyo baad.

Tirada dadka oo markaste kordhaaysay waxa ay keentay in bulshada kala xigsato biyaha iyo baadka. Si loo kala ceshadana waxa sal (base) noqotay in intii biyo iyo baad ka dhaxeeyaanba is gaashaan-buureeystaan, si ay kheeyraadkooda u dufaacdaan. Kuwii kale ee baahnaana sidoo kale, waxa ay u midoobeen in ay kheeyraadka rabaaniga ah laga ceshan ee ay qeeybtooda dhacsadaan.

Markaste oo dadku bato, waxa isna korayey wacdiga, fikirka, garaadka iyo hal-abuurka. Wax kaste oo la soo marayba waxa la gaadhay in ay dadku ka heshiiyaan waxa la wada yeelanayo iyo sida loo wada yeelanayo iyo aminta/xiliga la wadaagayo… Nolasho wax ay socotaba dadku wuxu gaadhay heer iyagoo kala beel iyo deegaan ah in ay is maamulaan, dawladdana sameeystaan.

Is riix-riix, is-fahan-waa iyo is-diidooyin kale oo badan, kuwaas oo xididkoodu yahay, kala badsashada xilalka, fursadaha iyo dhaqaalaha, dabeed wuxu xalku noqdey in dawladnimada ahaato mid bulshada ka wada muuqato, si sinaan ahna (Equity) wax loo qeeybsado, fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedna loo qeeybsado si isku jaan-go’an oo ka turjumaaysa qaabka bulshadaa nolasheedu iyo deegaankeedu yahay iyo waxa markaa lagu heshiiyey ee sharciga iyo xeerarku mus-danbeedka u yihiin. Iyada oo dulqaadka tanaasulku u yihiin biyaha waraabinaya waxa lagu heshiiyey.

Hadaba, sida an qabo, middan aan kor ku sheegnay baa ah ama qeeyb weeyn ka qaadatay in aduunku xasilooni iyo nabad ku wada noolaado, soona baxaan bulsho is ogal dhinacna u wada jeedda. Hadii tani ay dhacdeena jiritaanka iyo korniinka dunidu sida hada uu yahay wuu ka duwanaan lahaa.

Si kaste oo dadka loo dirqiyo, WAXA KA DHAXEEYANA loo kala badsado, qof kali ah ama koox kali ahi (afka aan ku balaadhshee ama “REER KALIYA”) dawladnimada isa siiyo, awood dhalanteed ahna is bido, dadka kalena la dhagaaysan waayo, la diido in lala fadhiisto, rabitaankoodana la tix-gallin waayo… Hadaba markaa waxa dhalanaya soow maaha cadho, xiqdi, ciil. Waxa kaliya ee ku xigayana soow maaha is abaabul iyo is urursi irbadda turqeeysaa tahay kacdoon bulsho heerka uu doonaba ha ahaadee, taasi oo ay hagaayso rabitaanka dadkii la dhagaaysan waayey.

Tusaale waxa inoogu filan Soomaalidii midoowday 1960kii ee kala tagtay 1991, waxa tusaale nool ah gu’gii carbeed oo ay ugu danbeeysay, siina qoyantahay tii Sudan. Waana dariiq xun oo shar-wadaayasha iyo kuwa “qaska” ku naaxaa ay ka faa’ideeysan karaan, oo wax kaste ku burburaan. Tusaale nool, waxa ah Libya iyo Yeman waxa ka socda.

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim.

Cabdiraxmanmid@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso