Cilmi iyo Neef hawo Ciddi kama dheregtee 

Koonku (Universe) intuu leeg yahay maxaad ka ogtahay? Qaybta 1aad

KOONKA aynu ku dhex noolnahay waa koon aad u weyn oo  illaahay oo keliyi ogyahay intuu baaxad leeg yahay,hase yeeshee waa’ iyo wakhtiyo tagay marbaa waxa jiray Dadku inta ay degeen yihiin uun u haystay Koonka, se maalinba maalinta ka danbaysa sida ilmo yar oo caqli u kordhaayo ayuu aadamahana aqoontu ugu korodhaa waayo wakhti ayaa jiray loo haystay in meeraheena dhulku yahay badhtamaha Koonka oo Cadceeda iyo Xiddiguhu ku wareegaan, se waatii rag Culimo saynis ahi xaqiijiyeen in siddaa xaal ahayn se waa kuwii jeel iyo qudhoo laga jaray ku mutay jaahil nimo baahsan oo jirijirtay awgeed, aqoontu waa iftiin, hase ahaatee aqoontu maaha wax meel laga barto uun, se cilmiga caqligaa laga korodhsadaa meel wax lagu dhigo, waayo (Isaac Newton) Isaaq Nuyuutonkii keenay cufisjiidka arlada jaamacaduhuba may aqoon isaagaana iclaamiyey se cida bartay waa Illaahay, waxay ahayd dabayaaqadii qarnigii 19aad ilaa horaantii qarnigii 20aad ragii kacay ee diiradihii casriyeey ee ku eegey koonayaasha Koonka tacajab iyo layaabka inta Koonka u muuqda intay leeg tahay la yaabay waxa Goosan iyo malaayiin iyo bilyano Gaalaksi ashqaraar qaadanwaa u dheeryey, ragbaa Dunidan mahadho iyo magac kaga tagay oo mahadho reebay ay ka mid ahaa yeen (Edwin Hubble) idhwin Habbelkii indhaha Dadka furay Markuu arkay inta koonku leegyahay inta muuqata ee sii kala goosanaysa sii kala durkaaya ee sii kala socda iyo sida koonku u fidaayo iyo xawaaraha xowliga leh ee ukala durkayaan masaafada labo walba udhexeeyaha ah, wakhtiguna geestiisa ka gurmaayo, maanta iyo hadeerna diirad noocyo badan ah baa hawada sare ee cirka heehaab dawaafaya ee soo dhaweeyey wax inaga durugsanaa ee ina tusay koonku intuu baaxad leegyahay hada iyo iminka. 

Koonka (the Universe) waxa uu ka kooban yahay Xiddigo, Meerayaal ama Dhulal, Dayaxyo, Dhagaxaan, Macdano, Daruuro Hawooyin Gaas ah, Qiiq, Godad-madow, Cir-madhan iyo waxyaabo kale oo Illaahay mooyee aanay ciddi weli garanahay,

Haddaba Koonka waxaynu kaga nool nahay hadaan kasoo bilowno Jabadka la yaalo waa

GURI inoo ah aqal aynu u hoyano oo ka kooban Qolal jiif iyo joog ah, gurigu waxuu ku yaalaa XAAFAD ku taala DEGMO ka mid AH Degmooyin MAGAALO, magaaladaas oo ku taala GOBOL kamid ah gobolo DAL kuyaala, Dalkaas oo QAARAD kuyaala, Qaaradaas oo kamid ah Qaaradaha Dunidan Dhulka guudkeeda ah, 

DHUL guudkii oo ah Meere Afka qalaad loo yaqaano (Planet Earth). 

MEERAHA inoo Dhulka ah ee aynu ku guud noolyahay waxa uu ka midyahay 8 Meere oo ku wareega Xiddigta  inoo Cadceeda ah ama Qoraxdeena, waxa iyana inagula wareega Cadceeda waxyaabo badan oo kale oo ay ku jiraan Meerayaal yaryar oo Cilimo ah iyo walxo kale oo Dhagaxyo waaweyn ah, kuwaas oo kasamaysan Macdano, Baraf iyo Dhagaxaan, 

XIDDIGTA inoo Cadceeda ama Qoraxda ahi waa Xiddig ka mid ah Goosan Xiddigo malaayiin ah oo meel ku uruursamay oo looyaqaan (Galaxy Gaalaksi), Xiddigteena Xiddigta ugu dhaw waa Xiddigo Saddex ah oo isku wareega waxaana lakala yidhaahdaa 1,Alpha Centauri A, 2,Alpha Centauri B, iyo 3,Proxima Centauri, waxayna inoo jiraan 4 light Years ama afar sanad ilays, waa inta xawaare uu ilaysku sanadkii jaro ama gaadho light year ku ama sanad ilaysku markaa 4 sanad ilays, oo u dhiganta 24 trillions oo mayl ama in ku dhow  24 milyan oo milyan oo mayl waa masaafo dheer,haddii Dayax-gacmeed xawaare dheereeya loo rakuubsado si loo booqdo cadceedahaa waxay inagu qaadan lahayd in ku dhow 200 oo sanadood, se yaa da’diisa cimri intaa gaadhaa cidna, markaa xiddigaha inoogu dhow ayaa intaa jirta, waxayna Culimada Saynisku xaqiijiyeen in Meerayaal ku wareegaan xiddigahaas, oo haddii aad ku dul sugnaan lahayd Meere ka mid ah meerayaasha in aad 3 hadh lahaan lahayd, 3 cadceed soo bax iyo 3 cadceed dhacna maalin walba arki lahayd, se Hubaal Gaalaksigeena ama Goosankeena Xiddigo yaab leh wey ka buuxaan. 

GOOSAN keena ama Gaalaksigeena waxa loo yaqaanaa ( Milky-way) ama Wado caanood ama Jid caanoole, kaas oo magaca lagasoo qaatay Roomankii oo u yiqiin (via lactea) oo macnaheedu noqonaayo (wado caano ah) inkastoo kalmada Gaalaksi ay Giriigu uga horeeyeen haddana magaca Goosankeena Roomankaa loo nisbeeyaa inay bixiyeen, kuwaas oo sababta ay ugu magacaabeen Goosankeena Wado Caano ah ay tahay muuqaalka cirka uu uga muuqdo Goosan keenu oo ah Xiddigo isku cufmay oo wado cad aad moodo, Maadaama aynu ku dhex jirno galaxy-ga ama Goosanka inooma wada muuqanaayo wuxuuna u samaysan yahay isku warwareeg weegaarsan oo ah gacmo isku dul sarban sidda Mushabaga oo kale, siddaa laajigeed Xiddigaha gudubka u taxan waxay inoogu muuqanayaan siddii wado cad oo cirka ka jeexan, waana tay Soomaalidu Wadadaa Cad u yaqaanaan (Halkuu Habaar Qabe Hooyadii Jiiday), anigu garan maayo waxa loogu yeedhay Wadadaa caanaha ee cirka dhararan inkaar Qabe se Dadku isku dhugasho iyo isku dhaqan maaha Bal amuurta ilaahay. 

Goosan keena ama Gaalaksigeenu waa Gaalaksi balaadhan oo balaayiin Xiddigo ah ka kooban oo cidhif ilaa cidhif isku jira 100.000 oo (light years) ama ilays sanadood, maaha masaafo lagu qiyaasi karo kiiloo mitir iyo mayl toona siddaa laajigeed xawaaraha sanadkii ilaysku jaro ayaa lagu xisaabiyaa masaafooyinka kala fog ee hawada sare ee cirka, sidda lawada ogsoon yahay koonkeena waxa ugu dheereeya waa ILAYSKA ama falaadhaha iftiinka waxayna sanadkii jaraan xawaare dhan 5.88 trillions oo mayl ama in ku dhow 6 milyan oo milyan oo mayl, waa xawaare dheer, ilbidhiqsigii falaadhaha ilaysku aduunka waxay kusoo wareegaan 7 jeer iyo badh, halka dayuuradaha jedka ah ee dheereeya ay halkii wareeg ku qaadato 41 saacadood iyo 7 mirridh, 

Markaa Gaalaksigeenu waa mid aad u balaadhan inkastoo noociisa laga balaadhan yahay, Gaalaksigeenu waxa uu ka mid yahay koox gaalagsiyo ah oo laysku yidhaa……….. Lasoco Qaybta danbe. 

Cilmi iyo Neef hawo 

Ciddi kama dheregtee 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso