Maliiyiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

Iyadoo maanta ay ku beegantahay 9 Bisha Dulxaj ayaa malaayiin Muslimiin ah maanta waxaa ay taagan yihiin Banka Carrafo, si ay u gutaan Waajibaadka xajka .

Xujayada Sanadkan ka qaybgalaysa Gudashada Rukniga Shanaad ee Islaamka waxa ka mid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Al Xaaji Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dowladda Dalka Sucuudiga ayaa siweyn u adkeysay amaanka Ammaanka xujeyda,iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Waxaa la arkayay kumanaan qof oo muslimiin ah kuwaasi oo shakli ahaan isku muuqaal ah,islamarkaan xidhan dharka cad,Sidoo kale waxaa gawaadhida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka.

Istaaga buurta Carafo ayaa ah rugniga ugu muhiimsan ee Arkaanta xajka,sidasi darteedna dhamaan xujeydii ka qeybgashey ay halkaasi ku sugan yihiin,xiliga qorax dhaca ayaa u gudbidoona magaalada Mustalifa,halkaasi oo ilaa waaberigii ay ku sugnaan doonaan si ay halkaasi uga uruursadaan dhagaxtuurka sheydaanka.

Maalinta beritu ah ayaa wadamada Islaamku waxaa ay isku diyaarinayaan dabaal degga maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso