Waa Kuma Taliyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Laanta Nabadgelyada Wadooyinka Somaliland?

Waa Kuma Taliyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Laanta Nabadgelyada Wadooyinka Somaliland

Gaashaanle Sare Khadar Jaamac (Khadar Qoosh) ayaa loo Magacaabay xilkan

Hargeysa(Hubaal):-Gaashaanle sare Khadar Jaamac (Qoosh) ayaa loo magacaabay taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Booliska Somaliland oo lagu baahiyay magacaabista, laakiin warar soo baxay ayaa xaqiijiyay in taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaalada waddooyinka gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, waxaanu xilkaas u magacaabay gaashaanle Saree Khadar  Qoosh oo hore u hayn jiray xilkan.

Faysal ayaa sii ahaan doona afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland oo uu hore u hayay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso