Dowlada Soomaaliya oo markale dacwad ka gudbisay Somaliland ku waajahan Maxaabiistii la sii daayey ee Dawlada Seychelles u soo gudbisay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa dacwad ka  dhan ah Somaliland u gudbisay Dowlada Seychelles, Ururka la dagaalanka budhcadbadeeda ee Soomaaliya ee CGPCS  iyo  Hay’adda qaramada midoobay dacwada soomaaliya  ayaa salka ku haysta kadib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafiyey 19 maxbuus oo lagu xukumay dalka Seychelles loona soo wareejiyay xabsiyada Somaliland sanadkii 2012 si loogu hayo inta ay xabsiga dhammaysanayaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in lasii daayo budhcadbadeed aan dhammaysan dabigii lagu helay, Waxaana warqad ay u direen dowladda Seychelles ay ku sheegeen in Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay arrintan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka codsadatay dowlada Seychelles inay cambaarayso talaabadan isla markaasna ay ka  dacwayso qaramada midoobay iyo ururka ladagaalanka budhcad badeeda.

Dowladda Seychelles iyo Ururka ay xubnaha ka yihiin dalalka la dagaalama budhcad badeeda ayaa si rasmi ah u soo saartay warsaxaafadeedyo kale duwan kuwaasi oo ay ku cambaareynayaan talaabada soomaalidu geesinimada u aragto ee uu qaaday todobaadkii hore.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa talaabadan u aragta cadaadis kale oo dublamaasiyadeed caalami ah oo ay uga faa’iidaysan karto sidii ay isugu dhufan lahaayeen beesha Caalamka iyo Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso