Toogasho ka dhacday xarun Ganacsi oo kutaala Maraykanka

Nin hubeesan ayaa toogasho dad badan lagu dilay ka geestay xarun caan ah oo laga dukaameesto oo kutaala magaalada El Paso ee katirsan gobolka Texas dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa sheegay nin dhalinyaro ah oo qori ku hubeesnaa uu rasaas badan ku furay dad ku sugnaa dukaanka Caanka ah ee Walmart, toogashadan ayaana dhalisay khasaaro aad u badan.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay 20-qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaadhaya 26-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogahay ay kasii bataan.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay ninka toogashada geestay oo lagu magacaabo Patrick Crusius oo 21-sano jir ahaa, ninkan ayaana ahaa nin kamid ah cadaanka dalka Mareykanka.

Wali lama oga waxa ku kalifay ninkan dhalinyarada toogashada uu dadka badan ku dilay, saraakiisha booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan dadka badan lagu dilay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso