Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Waddooyinka oo Xilkii la wareegay

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Maanta Xilkii u kala wareejiyey Maareeyihii hore ee Hay’adda Jidadka iyo Maareeyaha Cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacaabay hay’addaasi.

Xaflada Xil wareejinta waxa ka qayb galay Wasiiro,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Maareeyihii Hore ee Hay’adda Wadooyinka Somaliland Mudane Cismaan Sheekh Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadkii u suurto galay Mudadii uu Xilka hay’adan hayay,Maareeyihii hore waxa uu sheegay inuu ogaaday in baahida ugu badan ee dalka ka jirtaa ay tahay wadooyinka waxaanu intaas ku daray in Jidka Ceerigaabo iyo Burco ay ku dareen 8 Km.

Maareeyaha Cusub ee hay’adda Horumarinta Wadooyinka Axmed Yuusuf Maxamed ayaa dhankiis sheegay inuu awooda isugu gayn doono sidii uu u libin laabi lahaa shaqada hay’ada Wadooyinka Somaliland waxaanu ka dalbaday shaqaalaha hay’adaasi inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wasiiradda Wasaaradaha Horumarinta Biyaha Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane C.laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay Xilka iyo Waajibaadka balaadhan ee hay’adda Horumarinta wadooyinku u hayso qaranka wasiiradu waxay sii sagootiyeen Maareeyihii hore iyagoo maareeyaha Cusubna u rajeeyay inuu xilkiisa uga soo baxo si waddaniyadi ku dheehan tahay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso