Somaliland: degenaansho iyo dulqaad ujeedo leh ayaa loo baahan yahay

Salaan ka dib

Maalin dhawayd oo aan dadka qaar la wadaagay maqaal aan helay; saacaddo dhan baan ka fekerayay oo aan ka baqanayay in loo fahmo taageero ama mucaaradnimo amase aragti beelaysan loo fahmo.

Waxaanse maalintiiba television-ka ka daawaday madaxdii muxaafadka iyo mucaaradka is-waydaarsanaya weedho hanjabaad iyo dood beelaysan oo xanaf leh is-waydaarsanaya. Waxaanan xusuustay aniguna maqaal cid kale qortay ayaan ka xishoonayay, halka madaxdiina waabay isku lisayaan.

Haddaba, madaxda mucaaradka iyo muxaafadkaba waxaanu ka codsanaynaa inay hoos u wada hadlaan, oo aanay saxaafadda isu marinin weehaha xanafta leh ee ummadda niyad jebinaya, hana ogaadaan inay dadka oo dhan madax u yihiin ama ay madaxnimo ka doonayaan.

Arrinta gobolka Sanaagna waxay u baahan tahay in deganaansho iyo daacadnimo ku jirto oo tudhaale ku jiro; iyadoo la isu miisaamayo xal salmi ah iyo in laga fekero si aanay inoogu soo noqnoqonin jabhadaynta oo aynu ognahayn wadada ay ina marin karto (ILahay baynu ka magan gallay).

Ilaahayoow jidka noo khayr badan na waafaji.

Ilaahy baa mahadleh

Axmed Maxamed Diiriye

Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso