Reer Sanaag ha u hiiliyaan nabada

asc dhamaan  bahda togaherer iyo akhristayaasha

sida aynu ognahay waxa ka taagan gobolka sanaag dagaal  laba geesood ah mid u dhaxeeya laba beelood iyo kan u dhaxeeya caare iyo dawladda. hadaba marka dhinac laga eego way is barkan yihiin waayo asalkii hore caare  falaagadiisu waxay salka ku haysay dagaalada ceel afweyn. wali waxa muuqata in aan labadaba xal laga gaadhin oo ay jiitamayaan, sidaa darteed waxa la gudboon waxgaradka iyo cuqaasha gobolka sanaag jooga marka l;aga reebo qurba jooga inay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay nadaba u hiiliyaan iskana dhaafaan waxkasta oo nadaba ka sokeeya waayo marka ay nabada helaan ayaa waxkasta ay heli karaan ,kastana ay dhamayn karaan, laakiin markasta oo nabada shuruudo lagu xidho xalku waa sii fogaanayaa, sidoo kale waxa xalka sii fogaynaya sida ay aniga ila tahay qurbajooga reer sanaag qaaar ka mid ah oo aan xogogaal u ahayn xaalada dhabta ah ee taal gobolka islamarkaana ku soo tuura hadallo aan ku haboonayn dhegaha waxmagaratada.

gebagebadii waxaan usoo jeedinayaa akhyaarta gobolka inay nabada salka u dhigaan kana horqaadaan shuruudaha horyaal , taas oo dan u ah gobolka, dawlada iyo wadanka oo dhan.

ALLAA MAHAD LEH

abdilahi ali derie   ( A. A. DERIE)

abdilahi_3@hotmail.com

TEL;0634465037

Advertisement

Ku Xayeysiiso