Kulmiye iyo Caddaaladu miyey kala Caagan yihiin? 

Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland waana Xisbiga xukunka Dalka hagaayey ilaa 2010kii, isaga oo hada haya gacantii Labaad ee Dib loogu doortay xukunka Dalka, haddana Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ay hadhaysay Caddaalad daro baahsani haddaynu  kasoo bilowno 2010kii markii ugu horeysay ee Xisbiga kulmiye talada Dalka uu qabto siddaynu wada ogsoonahay ama Sooyaalka taariikhda ku xardhan xukuumaddii ugu horeysay ama dawladii ugu horaysay ee Xisbiga Kulmiye soo dhiso in laga biyo diiday oo mudaharaad lagu qaabilay, waana tii noqotay xukuumaddii abid Somaliland laga dhiso ee mudaharaad la kowsata, Maxaa yeeley waxay ahayd Xukuumad qaabka loo dhisay caddaalada baal marsan, waxayna ahay Xukuumad qaabka loo yagleelay aan hore Somaliland lagu arag oo xulufaysi iyo isbahaysi lagu dhisay waana tii ay shacabku ugu magac dareen xukuumaddaa Xukuumad DHAN KA RARAN caddaalad darada lagu yagleelay ee aan dheeli tirneyn owgeed,mudadii xukuumadaa hore ee Kulmiye waxay Dalka kusoo kordhisay kala qaybsanaan iyo kala qoqobnaan baahsan oo la curatey xukunka Kulmiye taas oo mashaariicda iyo ilaha dhaqaalaha si caddaalada baal marsan loo qaybiyey oo lagu tisay dad gaar ah taas oo sababtay in mushtamacii midaysnaa ee reer Somaliland ay kala fogaansho soo kala dhex galo ay sabab u tahay kala dhawaanshaha Xukuumadu Ummada kala xigsanayso ee xulufaysiga ku salaysan, taas oo kala furfurnaan, kala qaybsanaan iyo uurkutaalo ku dhex abuurtay mushtamacii isku uurka xaadhnaa ee reer Somaliland.

Iyada oo xaalku meel aan loobogin maraayo ayuu Kulmiye doorashadii ugu danbaysay kursiga isku wareejiyeen iyada oo dad badani aaminsan yihiin in aanay si caddaaladi ku salaysneyn xaalku u dhacay, hase yeeshee waxay ahayd fursad qaaliya oo Kulmiye hantay taas oo noqonaysay mid uu wax ku saxo oo cabashadii, caddaalad daradii iyo saluugii taagnaa ee shacabka tirsanayeen inuu saxo, isaga oo ogsoon ama ka warhaya markaa madaxweynaha kursiga ku fadhiistay ee looga kacay tabashada taagan oo waa kii Halku dhig u ahaa BERI-MAANTA-DHAANTAA se waakii intuu been Dhaartay oo uu yidhi sinaan Iyo caddaalad baan wax ku dhaqayaa tabtii madaxweynihii Kulmiye ee ka horeeyey kaga dhigtay ” kadar oo Dibi dhal” ee judhiiba XUKUUMAD CID QUDHA U WADA RARAN soo yagleelay, oo ummadii qaadan waa’ ku noqotay xaal halkuu maraayeyna uu kasii daray ee shacabkii hididiiladu gashayna caddaalad daro kadaran tii hore lasoo daristay ay u dheer tahay cago-juglayn, cabudhin car juuq dheh iyo xadhig bilaa sifo ah, xitaa heer baa la gaadhay in goobaha bulshada ee Internetka sidda Facebook, whatsupp, iyo twitter-ka loogu talo galay in bulshado iskaga nafisto oo qof kastaa oo aduunka daafihiisa ku nooli uu ku cabiri karo afkaartiisa isaga oo aan xadhig iyo handadaad Dowladeed ka cabsanayn Taasna waxa cadayn inoogu filan ninkii cunsuriga ahaa ee newzealand masaajidada muslimiinta badan ku laayey, wuxuu boggagiisa ku yaala baraha bulshada soo dhigi jiray waxa fikirkiisa yahay kaas oo ahaa mid jinsi nacayb ku salaysanaa iyo xadjirnimo ku qotoma midabka se Dowlad fikirkiisa baraha bulshada ka xayirtay ama kiis ku qaaday oo xidhay ma jirto, se malkuu falkii xumaa sameeyey ayuunbaa wuxuu geystay lagu maxkamadeeyey, se nasiibdaro Somaliland Xisbi xaakumku dad badan oo si quman fikirkooda ugu cabiray boggogooda khaaska u ah ee bara bulshada ayey xadhig ku muteen halka cabudhin gaadhay, waana wax lala yaabo, caddaalad darada iyo kala qaybsanaanta baahsan ee Dalka ka jiraa waxay kaliftay markii muwaadiniintii u adkeysan kari waayeen in DHAQDHAQAAQ CADDAALAD IYO SINAAN U DIRIR ahi abuurmo, halkii layslahaa Kulmiye wuu ka waantoobi caddaalad darada uu dabada hayo ayuu maalinba maalinta ka danbaysa kasii darayaa se tii ugu darnayd ayuu dhigay taas oo uu  ugaystay dhalinyaradii Dalka ee shaqo la’aantu ragaadisay ee bilaha inta xeryaha lagu xareeyey lagu yidhi tababar hoog iyo halaagleh mara oo dhamaysta shaqo qaran, wixii fursad shaqo soo baxdana ciddaan idinka ahayn ma geli doontee, se markii shaqo soo baxdayna sidda sharaf dhaca ah ee caddaalad darada ah u dhaqantay xukuumaddii Kulmiye ee musuq maasaqday dhalinyaradii Dalka ee shaqo-qaran soo gudatay, waana dhabar jab iyo niyad jab iyo hagardaamo iyo caddaalad daro toos ay ugu badheedhay Xukuumadu dhalinyaradii qaranka Somaliland, aad iyo aadna waanu uga xunahay, Kulmiyow haddaad dhan ka rartay oo hadana Cid qudha u wada rartay oo dalkii wada cuntay oo ummadii cadibtay oo dadkii wada cabudhisay oo suxufiyiinta Afka ka jifaysay oo shacabkii wada xidhxidhay caddaalad daro awgeed oo laguugu dul qaatay, miyaad maantana dhalinyaradii qaranka ee Dalka loo carbiyey cisayn weydey inuun, waa ayaandaro habdhaqanka Kulmiye Dalka uu ku hagayaaye, horta Kulmiye iyo Caddaaladu miyey kala Caagan yihiin?. 

 Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso