Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Kulul ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya “Waxaan Leeyahay Hadalkaaga Sumad u Yeelo, Beri baa la Arki Adigoo leh ha la I Saamaxo”

Hargeysa(THN)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya. Kaasi oo sheegay in shacabka reer Somaliland aanay u middeysnayn madax-bannaanida Somaliland.

 

Wasiirka Warfaafinta oo caawa shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa  tilmaamay  in Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya uu yahay nin shaqo tagay, waxaannu yidhi “Ra’iisul-wasaare Ku xigeenka Soomaaliya waa nin reer Somaliland ah oo sida aan anigu aqoonsannahay u shaqo tagay halkaas. In badan oo u shaqo tagtay Soomaaliya way jirtaa laakiin ereyga inankaas ka soo yeedhay wali madaxdii reer Somaliland ee Soomaaliya tagaysay ee xilka u doonanaysay lagama hayo midna, haddii ay tahay odayaashii waaweynaa ee ilaa hadda iska joogga (Soomaaliya) ku daalay ee soo noqon kari waayey iyo haddii ay tahay kuwii xilalka ka soo qabtay ama Ra’iisul-wasaare ku-xigeen ha lagu magacaabo ama Waiirro’e, ragga halkaas tagay ereyga intaas leeg wali may odhan inankaasi wuxuu yidhi ‘Dadka reer Somaliland inta badani Soomaali weyn ayey doonaysaa ee waa la cabudhinayaa’ waxaan leeyahay hadalkaaga sumad u yeelo. Beri baa la arki doonaa adigoo leh ha la I saamaxo. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in aanay Soomaaliya waxba kugu gaadhin.”

“Erayga intaas leeg ee aan wali hore loo odhan waxa muuqata in dhallinyaronimo laguu adeegsanayo. In badan baad Somaliland soo joogtay oo nin nala gado ah ayaad tahay, nin wixii Somaliland soo martay og baad tahay ninkii ereyadaa kaamaanu eegaynin aad shaqo tagtide. Waxaan u malaynayaa garaadkaaga ayaa ku siiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Md. Maxamed Muuse wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo 28 jirsaday, horena u jiri jiray,  imikana kaabiga u saaran in la aqoonsado oo caalamku xidhiidh la leeyahay.

“Ummadda reer Somaliland waa mid waanay u middaysan yihiin qaddiyadooda.waxaanan kugu boorinayaa inaanad been ka sheegin ummadda reer Somaliland iyagaana kuu jawaabi doona,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Advertisement

Ku Xayeysiiso