Caddaaladu Waa Tilmaanta Koowaad ee Hoggaamiyaha.

Caddaaladu Waa Tilmaanta Koowaad ee Hoggaamiyaha.

Inta badan madaxda soomaalidu waxay ku dhaartaan marka ay xil qabanayaan, kitaab qur’aan ah, iyaga oo ku celceliya; waxan dalka, dadka iyo diinta ugu adeegayaa si daacadnimo ah. Magaca Eebena ku khatima. Laakiin sida la ogsoonyahay. Maalintaa ayaa ugu dambeysa wax caddaalad iyo garsoor xaqsoornimo ku dhisan.
Badankoodu waa garab maraan dhaartii ay magaca Eebbe ku galeen. Waxan arrintan ku xusuustay, madaxda Somaliland oo habdhaqan ka dhigtay hab ka fog caddaalada. Dhowaan waxa ka aloosnaa gobolka sanaag colaad soo noqnoqotay taas oo haba yaraatee aanay waxba ka qaban xukuumaddu. Iyagoo iska indha tiray, sababaha keenay dilka iyo khasaaraha ka dhasha colaadaa sokeeyaha.
Dhowaan waxa iyana soo korodhay in ciidmada dawlada iyo jabhad hore mucaarad u ahayd ay iskaga hor yimaadeen waqooyiga magaalada ceerigaabo.
Dawladda Soomaaliland kama war bixiso, dhibaatooyinka halkaa ka dhaca, waxad moodaa in ay ka dhacayaan, meelo ka baxsan Somaliland.
Intii uu ku fashilmay Wasiirka Arrimaha guduhu, isku dayo hore oo dhinaca Ceelafweyn ahaa. Ilaa hadda Madaxweyne Muse Biixi uma dirin madax rasmi ah oo u kuur gasha ama waa waan raadisa.
Marar badan waxa dhawaaq jeediyey waayeel iyo dad ka cabanaya, in ay dalwaddu ka gaabisay waajibkeedii ka saarnaa dhinaca nabadgelyada.
Dawladu ma soo qabato mana daba gasho dadka geysta falal denbiyeedka. Ma ciqaabto kuwa ballanta iyo dhaarta jebiya, iyada oo kuwii damiintay ay Hargeysa dhex taxataxaashinayaan. Waa kuwii ku dhaartay dhawr jeer, ee kitaabka gacanta saaray.
Laakiin sida madaxduba aanay u fulin wixii ay u dhaateen iyaguna ma fuliyaan in ay soo qabtaan kuwa fitnada dhaliya. Waxaba dhacda in ay mararka qaar iyagu qariyaan oo dib warbaahinta u soo fadhiistaan iyagoo qaylinaya oo naxli iyo fitna kale faafinaya.
Runtu waxay tahay dad iyo dal waxa dhaqa caddaalad iyo iyada oo laga run sheego, waxa la ballan qaado, gaar ahaan mas’uuliyiinta xilalka lo dhaariyo.

Abwaankii Soomaaliyeedna waa kii lahaa.
Cadli baa wax doojee
Wax kaloo rag deeqoo
Dadka lagaga eed baxo
Nin u doonay heliwaa. ‘Gaariye’

Ilaahay ummadeenna xaqa ha tuso.

Cawil X. Cali

Advertisement

Ku Xayeysiiso