Wasiirkii hore ee Maalliyada oo Ka Hadlay Qoddobo Ay Ka Mid Yihiin Heshiiskii Xukuumadda Iyo Xisbiyada & Eedaha Loo Jeediyo Wasiir Maxamed Kaahin

“Arrinta [Xaallada Sanaag] Muddo Ayay Soo Taagnayd Waxaana Ay Tahay Sidii Madaxweynuhu Sheegayba In Lagu Dhameeyo Wada Hadal”.

***************

“Ka Daaya Ayaannu Leennahay Dadka Sallaan Siyaasadeed Oo Loo Koro Ka Dhiganaya Wadajirka Shacbiga Somaliland Iyo Dhiigooda La Daadiyo, Dadkani [Reer Sanaag] Waa Dad Walaalo Ah Oo Meel Aan Kala Tagayne”

Wasiirka Hore Ee Wasaaradda Horumarinta Maalliyada Md. Yuusuf M. Cabdi

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maalliyada haatanna xubin ka ah guddida sare ee tacliinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Sabtidii toddobaadkan ay magaallada hargeysa ku kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi qaran ee UICD iyo WADDANi.

Md. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyadu waxaa uu guul ku tilmaamay in xal laga gaadho khilaafkii beryahanba ka aloosnaa qabsoomida doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanku

Wasiir Yuusuf oo xogwarran arrimahaas iyo kuwo kaleba ku saabsan magaallada Hargeysa ku siiyey Telefishanka Universal waxaa uu yidhi “waxaan aaminsananhay in [heshiiskaasi uu yahay ] guul u soo hoyatay Somalialnd, waayo Jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqraadi ah , cid kasta oo xilka qabanaysaana doorasho ayay ku timaadaa, taasoo si nabad iyo xor ah laysugu bedeli jiray”. Sidaasi ayuu yidhi wasiir Yuusuf, waxaana uu intaas ku ladhay “marka laga heshiiyo arrimaha siyaasadda waxaa furfurmaya arrimaha bulshada iyo arrimaha dhaqaallaha, markaa waxaan aaminsannahay oo aanu mahad naq gaar ah siinaynaa saddexda guddoomiye ee saddexda xisbi qaran, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu muddooyinkii dembe xoog uga shaqaynayay sidii ay axsaabtu isugu soo dhawaan lahayd. Isagoo guddoomiyaha xisbiga UCID runtii ku suntan nabadda Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee maalliyadu.

Mar wax laga weydiiyey xaallada beryahan uu gobolka Sanaag qaybo ka tirsani u ku jiro iyo iska hor imaadkii dhawaan ciidammada qaranka Somaliland iyo u dhexeeyey jabhadda uu horkaco sarkaalka ka goostay ciidammada qaranku, waxaa uu yidhi Md. Yuusuf

“Arrintaasi muddo ayay soo taagnayd waxaana ay tahay sidii madaxweynuhu sheegayba in lagu dhameeyo wada hadal, odayaal waaweyn iyo wax garad kaleba way galeen. [waxaanan leeyahay] dhalinyaradaas reer Somaliland [jabhadda] wadankani waa wadankii ay u soo halgameen, ee ay ciidanka u ahaayeen midnimadiisa iyo wada jirkiisana ay ka shaqaynayeen, markaa waxaa muhim ah in dhalinyaradaasi ay dawladdooda iyo odayaashooda aqbalaan, wixii tabasho ah ee ay qabaanna wada hadal lagu soo afjaro, taas badalkeedana laga daayo siyaasiinta arrinta siyaasadaynaya, lagana joojiyo dadka sallaan siyaasadeed oo loo koro ka dhiganaya wadajirka shacbiga Somaliland iyo dhiigooda la daadiyo, ka daaya ayaannanu leennahay oo allaha idin abuuray ka cabsada, dadkani waa dad walaalo ah oo meel aan kala tagayne”. Ayuu yidhi wasiirka hore ee wasaaradda horumarinta maalliyada.

wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, waxaa uu eedaymo ka difaacay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed KAahin Axmed

“WAsiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Waa qof ku suntan wadankan halgankiisii, dhiigiisa iyo naftiisana u soo huray waana qof waayo arag u ah halkii dalkan laga soo bilaabay iyo meesha manta uu joogo, shaqada wasaaradda arrimaha gudahana waa qofkii ugu habboonaa 28kaas sannadood ee Somaliland jirtay.

Labada qoddob ee ay wasaaradda arrimaha guduhu ka shaqayso oo ah arrimaha dawladaha hoose iyo arrimaha nabadgelyada waa nin waayo arag u ah”.

Gebogabadii Md. Yuusuf Maxamed Cabdi waxaa uu ka warramay dib u habayn lagu sameeyey waxbarashada sare ee dalka iyo arrimo ay muddooyinkii u dembeysay ku hawlanaayeen guddida tacliinta sare ee dalka oo uu xubin ka yahay haatan

“waayadii u dembeysay guddida sare ee tacliintu waxa ku mashquulsanayd in dib u habayn lagu sameeyo waxbarashada sare ee dalka iyo xeerkii waxbarashada sare ee qaranka iyo siyaasadda waxbarashada sare ee qorshaha santa sanno ee soo socda. Arimahaas baanu ku hawlnnahay. Waxaana aynu ognahay in dal kastaaa marka uu doonayo in uu horumar sameeyo iyo in isbadal fiican uu gaadhaa waxaa muhiim ah in isbadalkaasi uu ka yimaado dhanka waxbarashada iyo koboca maskaxda iyo fikirka dadka lagu samaynayo, haddii alle idmana waxaanu rabnaa in waxbarashada sare ee Jaamacadaha dalka lagu bartaa inay noqdaan kuwo u adeegaya baahiyaha dadka reer Somaliland”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirkii hore ee maaliyadu.

Advertisement

Ku Xayeysiiso