Wasiirka Gaadiidka Iyo Guddoomiyaha Baanka oo kulamo kala duwan ka Yeeshay Ceerigaabo

Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi ayaa Maanta Kulan la qaatay Shaqaalaha Laanta Baanka dhexe ee Magaaladda Ceerigaabo.

Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga Gobolka Sanaag Maxamud Maxamed Xasan Saraaf waxa uu Gudoomiyuhu si mug leh ugu Kuurgalay habsami u socodka hawlaha shaqo ee Laanta bangiga ee Magaaladda Ceerigaabo Waxaanu Gudoomiyuhu shaqaalaha ku adkeeyay inay ka soo dhalaalaan mas’uuliyada ay farayso xilka iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan.

Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi waxa uu ku soo wareegay dhamaanba dhismayaasha uu baanka magaaladda ceerigaabo ka kooban yahay.

Gudoomiyaha Baanka dhexe oo la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in Ujeedada Safarkiisu uu la xidhiidho laba qodob oo kala ah sidii loo qabyo tiri lahaa waxyaabaha ka dhiman baanka Magaaladda Ceerigaabo, iyo qalab ay u soo iibiyeen Jidka isku xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo uu Baanka dhexe sii Maalgeliyey.

Geesta Kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane C.laahi Abokor Cismaan oo hawlo shaqo u jooga Gobolka Sanaag ayaa soo kormeeray Xarunta ay Wasaaradiisu ku leedahay Magaaladda Ceerigaabo.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Waxa uu u Kuurgalay hawlaha shaqo ee Xarunta wasaaradiisu ku leedahay Magaaladda Ceerigaabo isagoo Warbixin ka dhagaystay Isu duwaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Gobolka Sanaag Xasan Maxamed Cabdale iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro waxayna ka dalbadeen Wasiirka inuu dayactir ku sameeyo Xarunta Wasaaradda Gaadiidka isla markaana u sameeyo gaadiid ay ku gutaan Waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Mudane C.laahi Abokor Wasiirka Gaadiidku waxa uu ku adkeeyay madaxda iyo shaqaalaha xarunta wasaaradiisa ee Magaaladda Ceerigaabo inay libin laabaan hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Wasiirku waxa uu cadeeyay in Xafiiska gobolka sanaag lagu bixiyo Liisamada wadista gaadiidka oo markii hore loo soo doonan jiray Caasimadda Hargaysa waxaanu balanqaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha haysta xafiiska Gobolka sanaag ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso