Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u soo Xidhay Hawlwadeenno ka Tirsan Garsoorka

Gudoomiyaha maxakamadda sare oo uu weheliyaan gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada iyo agaasimaha maxadka tababarka shaqaalaha dawalada  ayaa maanta tababar usoo xidhay 102 xubnood oo ka tirsan garsoorayasha iyo kalkaaliyeyaasha  maxakamadaha dalka 

 Tababarkan oo ka socday muddo  Maxadka Shaqaalaha Dawlada ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha Maxadka Shaqaalaha Guuleed Saleebaan Hagoog  waxaanu sheegay in uu soo dhawayanayo garsoorayaasha iyo kaaliyeyaasha  tabarka u dhamaaday isagoo ku bogaadiyay sida habsamida ah ee ay aqoonta ay baranayeen u qaateen

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhiiri galiayay xubnaha tababarka qaatay in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda waxaanu sheegay in aqoonta ay barteen ay fure u tahay hiigsiga iyo aragtida fog ee qarankeena

Garsoore Axmed Cabdi Xasan   oo ka mida ahaa xubnaha tababarka qaatay  islamarkaan ka tirsan garsoorayaasha Maxakamda Racfaanka Gobolka Maroodi jeex ayaa sheegay in duruustii ay qaateen ay ugu adeegi doonaan dadweynaha ay u shaqeeyaan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Gabagabdii waxa uu halkaasi hadalo dhiiri galin ah ugu soo jeediyay masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawalada , Maxadka tababarka shaqaalaha dawlada iyo xubnihii tabararka qaatay , isagoo ku booriyay inay bulshada cadaalad ugu adeegaan, waxaanu halkaasi ku gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino la xidhiidha aqoonta ay barteen.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso