“Danta Guud Wadajirbay Dayac Kaga Fogaataa”

“Danta Guud Wadajirbay Dayac Kaga Fogaataa”

Faallo Daaha ka qaadaysa Xaalada Gobolka Togdheer Iyo Duruufaha Nololeed Ee Ka Jira.

“Qalinkii Aqoon yahan Aadan Siciid Nuur (Goray)”

Markasta oo ay maskaxdaada ka soo maaxato inaad ummadda wax la wadaagto ama aad samaynayso qoraal sababta ka danbaysa inta badan waxay tahay inaad ka falcelinayso dareen ama arrin aad aragtay oo damqay damiirkaaga. Aniguna waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo xaalad taabatay qalbigayga oo ii muuqatay bulsho dayac iyo duruufo nololeed la deris ah.

Dunida dadyawga kala duwan ee ku nooli waxay la tacaalayaan nolosha iyo taaba galka dhinacyadeeda kala duwan ee saamaynta ku leh bulshada meel wada dagan, hadaba tani waxay ku tusaysaa bulsho ku dhex jirta dayr xidhan aan lahayn il kaliya oo horumar ka soo galo hadana dana badan u fulinaysa ninkii midada daabkeeda hayey oo aan daryeelkeeda marnaba dubaaqiisa gelin.

Burco waa xudunta iyo hooyada somaliland ee saldhiga u ahayd halgamadii iyo dib u dhiskii dalka ee duruufaha adag loo soo maray ,cidkastaa way ka dharagsan tahay taariikhda iyo doorka dadka reer burco iyo deegaanka togdheerba ku lahaa in qaranku taaba galo.

Inkasta oo duruufaha iyo xiliyada adagi saameeyeen bulsho badan oo ku nool somaliland hadana gobolka togdheer waxa uu ka mid ahaa meelihii ay abaarihii muddada dheeraa iyo dagaaladii sokeeye saamaynta iyo raadka xoogan ku reebeen waxaana ay dadka togdheer ahaayeen kuwo ku tiirsan dhaqshada xoolaha nool iyo dheefsigooda una badan reer guuraa.

Waxa sanadihii adkaa Togdheer ka dhaxlay dhaqaalo xumo iyo horumar la’aan mana jirto wax horumar ah oo ay dawladihii kala duwanaa ee somaliland soo maray ka geysteen ama ka fuliyeen gobolkaasi, dadkiisuna kama tashan aayahooda iyo danahooda lagama maar-maanka ah ee waxay kaga mashquuleen waxaan deeqaynin noloshooda oo dib-u dhac weyn ku keeni kara.

Somaliland madaxweynayaashii soo maray waxay u badnaayeen reer burco weliba waxaa intooda badan dhisay oo taageeray reer togdheer hadana mid qudha kamay helin sadkoodii sadbursiimo haba joogtee.

Maxaan Dogob beer is idhi

Daruuro u soo sasabay

Biyuhu uga sii dareen

Abwan Hadrwaai.

Dulucdaydu waxay tahay bilhii la soo dhaafay waxa wadanka ka da’ay roobab waaweyn oo lahaa daadad iyo fatahaado wax yeelo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah magaalooyinka somaliland burco waxay ahayd meelihii ay saamaynta xoogan ku yeesheen raxmaadka EEBE .

Waxaana dhaawac soo gaadhay goobihii isku xidhaayey isu socodka bulshada dadka iyo gaadiidkaba iyadoo ilaa hadda ay xidhan yihiin biriishyo waaweyn taasi oo saamaysay dadka isaga gudbaya magalada iyo gaadiidkaba halka kuwo kale ay dayacayihiin oo bulshada ay ka soo gaadhaan halis iyo hagardaamooyin kale.

Bulshada cidbaa ka masuula cidbaana waajib ka saaran yahay danta guud ee ummadda ,Hadaba xukuumadda somaliland waxay gabtay doorkii ay ku lahayd dayactirka biriishyada burco iyo sidoo kale duqyda iyo danyartii daadadku la tageen ee la daala dhacayey culayska nololeed ee saaran.

Waxaa sido kale jira bur-bur lixaad leh oo soo gaadhay guryihii iyo hantidii gaarka lahayd marka laga tago danta guud ee ka dhaxaysa ummada , waxaas oo dhan oo jira hadana ma jiro wax qorshe ah oo ay ka leedahay dawlad hoose ama dawlad dhexe ee dadku wuxuu ku go’doonsan yahay dariiq labada dhinac ka xidhan.

Reer Burcana waxaan leeyahay inta badan waxaad isku raacdaan waxyaabo aan u wanaagsanayn dantiina oo kala dila midnimadiina balse waxaa idinla gudboon inaad u heshiisaan danta guud ee idinka dhaxaysa oo aad dareenkiina ka muujisaan caqabadaha kuwa jahan horumarka gobolkiina.

Inkastaan Dadkuba ,

Ka sinayn duruufaha,

Danta Guud hadana ,

Dayacii ku yimi ,

Wuu Wada Damqaa,

Dareen ku haduu mid yahay.

Togdheer wuxuu u baahan yahay talo iyo taageero dhaqaale oo lagu toosiyo tabaalada tiirarka bulsho ee liicay mudooyinka tirada badan.

Arrin iyo adduunba way ka arradan tahay burcadii aad taqaanay ee hogaanka u ahayd magaalooyinka kale.

Ciyaaro iyo cudud dhalinyaro way ka cakirin tahay burcadii caanka ku ahayd curadadii guulaystay.

Way badan yihiin duruufaha iyo dayaca bulsho ee ka magaalada burco hadana waxaa jira geesiyaal lugaha dhulka ku xejiyey oo qayb ka qaatay dhismaha iyo bilicda guud ee magaalada oo ay ugu horeeyaan ganacsatada dhisay dhismayaasha iyo ganacsiyada gaarka ah ee kooban ee weli sii jira balse waxa hadh iyo dabool ku ah bulshada taagta daran ee dantii guud iyo tii gaarka ahaydba ka liidata.

Ugu danbayntii waxaan ku soo ururinayaa qormadaydan in reer burco ay fadhiga ka kacaan oo ay xisaab tamaan geed dheer iyo mid gaabana u fuulaan xaquuqda iyo xaqooda la hagraday ee xero kale ku jira una istaagaan wada jirka iyo wax wada qabsiga dhexdooda intaanay cid kale wax ka sugin.

Waxaan sido kale masuuliyiinta iyo xildhibaanada kala duwan ee golayaasha dalka ee xilku ka saaran yahay burco u soo jeedinayaa inay dareemaan xaaladda dadkooda dibna ugu celiyaan daryeel iyo dedaal ay u galaan af iyo addinba.

Anigoo geba-gebadana baaq u diraya qurba joogta gobolka togdheer ee dunida kale ku kala nool oo aan leeyahay Inay gurmad deg deg ah u fidiyaan gobolkooda kana soo qayb galaan siyaasad ahaan ,horumar ahaan iyo baraarujinta wacyigelinta dadkooda.

 

Waa Qalinkii Iyo Aragtidii Aadan Siciid Nuur (Goray).

Advertisement

Ku Xayeysiiso