“Waatii Aan Hore u Sheegayoo Annagu Dhaban La Cuno Ayaanu Leennahaye, Shaf La Cuno Ma Lihin!” Guddoomiyaha UCID

“Anigu Waatii Aan Hore u Sheegayoo Annagu Dhaban La Cuno Ayaanu Leennahaye, Shaf La Cuno Ma lihin!, Haddaanu Soo jeedsanona….”

 

Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in Reer Somaliland u Midoobaan Difaaca Dalka

Hargeysa (Togaherer) Guddoomiyaha xisbiga  mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya, halka uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jiraan koox ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ku hawlan sidii ay hagardaamo iyo dhibaato ugu gaysan lahaayeen Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ujeeddadoodu tahay lacag urursi ay ummadda iskaga horkeenayaan.

Guddoomiyuhu wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyey in aanay isdhigan oo ay u diyaar garoobaan difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanida Somaliland, isagoo shacabka ku booriyey inay gacmaha isqabsadaan una midoobaan arrimaha qaranimada Somaliland wixii khilaaf ah ee gudaha ah ee jirana ay joojiyaan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale, oo uu soo jeediyey in la xoojiyo isla markaana la qalabeeyo ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu babacdhigaan cidkasta oo daandaansi ula timaada Somaliland.

Gabagabadii guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay dadaal adag ka gasho dhoofka xoolaha Somaliland waddo kastana ay u martaa sidii xoolahaasi u dhoofi lahaayeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso