Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Tabobbar u Furay Laba Boqol oo ka tirsan Macallimiinta Maddarasadaha Heer Qaran ee dalka

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Tabobbar u Furay Laba Boqol oo ka tirsan Macallimiinta Maddarasadaha Heer Qaran ee dalka

Hargeysa(Togaherer):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa tabobbar aqoontooda kor loogu qaadayo u furay 200 (laba Boqol) oo Macallin oo ka tirsan Macallimiinta Maddarasadaha dalka ee heer Qaran.

Tabobbarkan oo muddo laba cisho ah ka socon doona xarunta wasaaradda Awqaafta ee magaalada Hargeysa, Wasiirka Diinta ka sokow, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Madaxda waaxyaha wasaaradda awqaafta, Masuuliyiinta Jimciyadaha Maddaarisku ku midaysan yihiin qaarkood, Culimo Aqoonta Diinta ku xeel-dheer oo tabobbarka bixinaya, Macallimiinta iyo Marti-sharaf kale.

Tabobbarkaas ugu horreyn waxa hadal ka jeediyey oo ujeedkiisa faahfaahiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla, waxaanu sheegay in tabobbarkani yimi ka dib markii wasaaraddo xog dhab ah ka heshay tirada Maddarasadaha afarta gobol ee Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer oo ay diiwaangelisay maddaarista ka jirta, macallimiinta wax ka dhiga iyo ardayda wax ka barata iyo sidoo kale baahiya kor u qaadista tobobbarrada aqooneed ee Macallimiinta, iyadoo taas ka jawaabaysana ay tobobbarkan diyaarisay wasaaradda Diintu.

Agaasimaha Waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Aadan oo iyagu ka mid ah Macallimiinta Tabobbarka bixinaya, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen in tabobbarkani yahay mdi wax badan u kordhin doona Macallimiinta oo ku dabbiqi doona shaqadooda waxbarista da’yarta.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Sacad Cali Shire, oo halkaas ka hadlay, ayaa talooyin u jeediyey Macallimiinta Maddarasadaha, oo uu ku tilmaamay barbaariyeyaasha ugu mudan ee bulshada, isla markaana looga baahan yahay inay Jiilal dhinaca Diinta ka dhisan soo saaraan.

Gebogabadii Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa tabobbarkaas si rasmi ah u furay, waxaanu la dardaarmay Macallimiinta Qur’aanka iyo Culuunta diiniga ah dhiga, isla markaana waxa uu ka warramay muhiimadda Qawlka Eebbe ee Qur’aanku leeyahay iyo masuuliyadda Islaamka ka saaran.

Tabobbarkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland u qabato macallimiinta Maddarasadaha dhiga. Iyadoo Wasaaraddu ku guulaysatay bilihii inna dhaafay ee sannadkan inay diiwaangeliso Maddaarista magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco, Ardayda wax ka barata, Macallimiinta dhiga-ba iyo Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midaysan yihiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso