Fanaanka Caanka Ah Ee Maxamed Pk Waa Wadnaha Qaranka Somaliland


Fannaanka codka toolmoon ee arlada Soomaalidu degto laga jecelyahay Maxamed Siciid Cabdi Pk ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay garoonka kubada cagta caasimadda waddanka Somaliland ee Hargaysa.
Maxamed Siciid Cabdi oo loo garan ogyahay PK waa fannaan ka soo mudh yidhi degelkii lagu maamuusi jirey horyaalka heelooyinka Soomaalida, waa magaalada Hargaysa e
Dadyowga Soomaalidu waxay lahaayeen dhaqan iyo hidde lagu yaqaan oo lagu gudbiyo hab nololeedkooda iyo qurxinta mabaadii’dooda oo si farshaxanaysan laysugu tebin jirey.
Haddaba, markii laga soo gudbey xiliyadii ugaadhsiga iyo qadhaabsiga waxaa soo if baxay baahida loo qabo hanaan la isugu gudbiyo suugaanta, taas oo lagu sheegato xaddaarada iyo fikirada ay waaridayaan.
Waxaa la bilaabay ciyaaraha hiddaha oo hal odhaah-doodu ay saameyn jirtay meelahaas lagu abuurnaa.
Heelooyinka Soomaalidu waxay ku soo siqeen magaalooyinkii oo xiliyadaas bilow ahaa waxaa la casriyeeyay heesahii ciyaaraha, kuwaas oo lagu daray qalab la tumayo oo odhaahda ku ladhaya sawaxan u yeelaya dhadhan una ah dhextaal yo kala rogasho u beddeshay halkii jiibta iyo guurowgu lahaa.
Qalabkaas muusiga oo ay keeneen dadyowgii reer Cadmeedka ahaa ama Hindidii, Kiiniyaankii iyo shaqaalahii mustacmaradaha la soo shaqeeyay ayaa hurumariyay muusiga heesta ku ladhan oo saameyn weyn ku yeeshay waddanka Somaliland
Boorama iyo Hargeysa ayay ka soo baxeen dhallinyaro magacyo ku yeeshay heelooyinka Soomaalida waxaana aan ka xusi karaa Cabdi Silimoo iyo Cabdillaahi Qarshe oo ka mid ahaa raggii wax ka bilaabay waqtigan oo lagu qiyaasay 1940 kii, Walaalo Hargeysa iyo dhallinyaro xiliyadaa hormood ka ahaa heesaha iyo heelooyinkaas casriga ah sida Kabacaddii iyo qaar kale oo badan ayaa soo saaray heeso caashaq ah oo laga daba dhacay xiliyadaas.
Meertooyinkaasi waxay seeska u dhigeen in hoyga suugaanta lagu bokhro gobollada waqooyi, gaar ahaan magaalada hargeysa taas ay qaybta ugu weeyn lahayd, Idaacadii Radhiyow Hargeysa oo soo saartay Fanaaniinta ugu caansan ama loogu jecelyahay dhulka Somali degto
Mxamed Siciid Cabdi PK waxuu hide tirsanayaa aataartaa qaddiimka ah ee hibada u leh fanka gaamurey ee soo sheegnaa.
Fanaankan codka baxsan ee PK waa raga ugu caansan xiligan oo kaas oo lagu majeerto nin hibadiisa u adeegsada kalsooni uu kaaga kasbanayo in aad dhegaha u raariciso erayada laxamaysan,legden ee uu ku luuqeeyo. Fannaankan waxaa lagu wada sheegaa ana aan ku aqaanaa fannaan ku qab iyo han-weyn halka ay suntadeen Qarankiisa Alalah ka beerey ee uu dhib iyo dheefba la wadaagay

Maxamed PK marka uu fagaarayaasha ka balweynayo dadka badankiisu waxay la jiboodaan heesahiisa xamaasadda badan ee uu ugu hiiliyo calankiisa iyo waddankiisaba meerisyada lagu xusuusto waxaa ka mid ah.
HOREY GOD MADOW GONDAHA DHIGATOO
TALADA GURACANI GUNAAD KA TAGEE
HADUU GALABTABA XOR YAHAY GEYII
WALEE MA GAM-EE GUULOOW MAHADA( laabsaalax)

Fannaanku waxuu leeyahay heesaha ugu caansan ee mucaashaqiintu isku dhayaan xiliyada ay gayaankooda ku xulanayaan nolol-wadaagooda, sida arooska ama meherka, heesahiisa kale fannaanka waxaa ku jira qaar ka hadlaya nolosha qaybaheeda kala duwan ama waayaha adduunka
Heesahiisa laga daba dhacay waxaa ka mid Ah ISTAAHIL, HOODIYO-AYAANLEY, DHULKA SOCO IN KUGU FILAN,NOLOSHA CUSUB, YAA ISIIYA LABA BAAl,SHAADIYA,DHAQAN, QOF-WEEYN IIMA TIHID iyo qaar kaloo fanaan Maxamed PK wxuu sameeyaa kulano ama Show laga dalbado Africa, Asiya, qaarada yurub iyo gudaha Somaliland,
Fannaanka ayaa dhawaan u baxay in uu ka heeso waddanka Kenya, oo taageerayaal badan u joogaan inkasta oo ay tashuush ay ku fureen dadyow ka xun sida uu maanta sheegey, Calanka dalkiisa hooyo ee uu ballanqaadey in uu luxudka la gelayo,
Fannaankan ayaa ku soo barbaarey fannaaniinta ciidamada qaranka markii danbena ka mid noqdey kooxda caanka ah ee Xidigaha geeska Somalilnand
Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa Fannaanka Maxamed PK fankiisu maaha mid cadceedda sacab lagaga qarin karo xasadkaasna wuu ku sii ifi doonaa.

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Advertisement

Ku Xayeysiiso