Wasaaradda Waxbarashada Oo Hay’ada Save Children Laba Bas Oo Waawayn kala Wareegtay

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa la wareegay laba Bas oo loogu talagalay inay u adeegaan Kuliyadda tababarka Macalimiinta.

Basaskaasi ayaa waxa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ku wareejiyay hay’adda Safe the Children kuwaasi oo qayb ka ah mashruuca GPE.

Agaasimaha waxbarashada dugsiyada Aasaasiga ah ee wasaaradda waxbarashada Raxma Ibraahin Gadiid ayaa sheegtay in Basaskani ay waxwayn ka tari doonaan addeegyada loogu tala galay macalimiinta ku jirta kuliyadda.

Axmed Abokor Maxamed Agaasimaha guud ee Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa sheegay inay qayb ka yihiin Basaskani tayaynta macalimiinta waxana uu xusay in dhamaan la tababari doono maamuleyaasha gobolkada iyo degmooyinka dalka ee dugsiyada dawladda

Advertisement

Ku Xayeysiiso