Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacay   ku sheegay  in wararka waaweyn ee bishan July saameynta yeeshay  ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirto  aqoonsi raadinta.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanay  u qornayd sidan:-“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa 27kii June ee la soo dhaafay barteeda Twitterka ku daabacday wadahadal ay la yeesheen Somaliland oo ay u  adeegsadeen  ereyga ah  “labada  dal”, waxaanay Arrintaasi noqotay markii u horreysay ee dal ka mid ah caalamku uu Waddan ahaan u  qiro Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warsidaha KCW-Today  wuxuu sheegay in ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991kii iskugu yeedheen  waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku.

Sidoo  kale,  waxa Wargeysku isbarbar-dhig ku sameeyey dawladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Jamhuuriyadda  Somaliland iyo nabadgelyo darrada,argagixisada,  barakaca iyo burburka ku habsaday  Soomaaliya, waxaanu ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana  badbaaday mashaqada ka jirta Soomaaliya.

KCW-Today wuxuu intaas ku daray in  JSL uu    madaxweyne  yahay  Muuse Biixi Cabdi, oo  hore u ahaan jiray duuliye  ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku sheegay in Somaliland leedahay ciidammadeeda  Booliska iyo lacag u gaar ah.

Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somaliland  qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wadahadallo kula yeelato  Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin  UK iyo Maraykanka.

 Warsidaha KCW-Today wuxuu ku soo gabogabeeyey  warbixintiisa haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay  talaabadaasi noqon doonto mid  xiiso leh oo  lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu  qabsoomo horaanta sannadka 2020ka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso