Maamulka Soomaaliya oo Heshiis ku saabsan Hooyada iyo dhallaanka la saxiixatay Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Dawladda Talyaaniga la saxiixday Heshiis ku saabsan Hooyada iyo dhallaanka, kaasi oo Talyaaniga uu ugu tala-galay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca Caafimaadka iyo kobcinta Aqoonta dadka ka shaqeeyo Caafimaadka,  waxaa kaloo raacsan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la kulmaan Hooyada iyo dhallaanka.

Mashruucaan ayaa waxaa maal-gelinayo Dawladda Talyaaniga, iyaddoo Soomaaliya u soo marsiineyso Hay’adda IOM, waxaana mashruucaan la gaarsiin doonaa dhammaan gobolada dalka.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in barnaamijkaan uu muhiim u yahay dalka haddii siddii loogu tala-galay loo hirgelinayo,  dadka Soomaaliyeedna wax badan ay ka faa’iidi doonaan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaardda Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxaa uu sheegay inuu kal sheqeyn doono siddii loo fududeyn lahaa mashruucaan ay Dawladda Talyaaniga ugu deeqday Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa waxa uu socon doonaa muddo hal sano ah, waxaana ka faa’iideysan doono dadka ka
shaqeyaaa Caafimaadka sida kuwa gaarka loo leeyahay kuwa Dawliga ah iyo Shaqalaaha Dawladda oo iyaguna qeyb ka ah, waxaana inta badan lagu xoojin doonaa wax ka qabashada dhibaatooyinka Hooyada iyo dhallaanka.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso