Dufcadii 31-aad oo ka Baxday Dugsiga Tababarka Booliska ee Lixle

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Naasir Caydiid ayaa tababar u soo xidhay dufcaddii 31aad ee ciidanka Booliska ee ka soo baxda dugsiga tababarada Lixle ee degmada Mandheera.

Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay taliyaha tababarka dugsiga tababarada ciidammada ee Mandheera, hoggaanka tababarada ciidanka Booliska Somaliland iyo guddoomiyaha degmada Mandheera, oo faahfaahin ka bixiyeen qaybaha tababarada ay qaateen ka koobnaayeen iyo qaybaha ay isugu jiraan, iyagoo tilmaamay inay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan ee ciidammada Booliska iyo laanta socdaalka.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland sareeye guuto Dayib Cismaan Caalin oo madashaas ka hadlay ayaa ciidanka tababarku u soo dhammaaday u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo inay waxweyn ku kordhiyaan ciidammada kala duwan ee ay ka tirsan yihiin.

Dhankiisana Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland sareeye gaas C/laahi Fadal Iimaan oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu dugsiga tababarada ciidanka Booliska ee Lixle ee degmada Mandheera u leeyahay Somaliland, isagoo tilmaamay inuu yahay wershada ciidammada ee lagu barto shuruucda dalka ee kala duwan, dufcadan  kula dardaarmay inay bulshadooda ugu adeegaan kuna dabaqaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Naasir Caydiid, ayaa xubnihii ciidanka ee tababarku soo xidhmay xusuusiyey inay sitaan haybadii iyo astaantii qaranka loogana baahan yahay inay bulshadooda ugu shaqeeyaan aqoontii iyo casharadii ay qaateen kuna dabaqaan hawlmaalmeedkooda.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso