Dagaalka naflacaariga ah ee xamar wax ma yeeli kartaa somaliland?

dagaalka naflacaariga ah ee xamar wax ma yeeli kartaa somaliland

beryahan danbe waxa iso soo taraya dagaal bahalnimo ah oo ay dawladda maqaar saarka ah ee xamar ku qaado siyaasada arrimaha dibada somaliland, kadib markii ay ogaatay in wadamo tiro badan oo dunida ka tirsani ay danayayaan somaliland waqti xaadir kan, kana leeyihiin dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

talabaad somaliland waxa ay muujisay bisayl siyaasadeed kadib markii ay si wacan ula jaan qaaday isbedelkan weyn ee ka socda geeska afrika, halka dawlada xamar marar tiro badan ku suldaarantay hirdanka siyaasadeed, sida iyada oo la safatay qatar arintii gacanka iyo weliba iyada oo markale isbarbartaagtay ereteriya oo ay is hayeen Djibouti sidaana ay ku lumisay wadamo saaxiib dhow la ahaa dawlada soomaaliya.

arimahaas waxa laga dheehan karaa heerka ay gaadhsiisan tahay  siyaasadda aan sal ka lahayn ee ay ciyaareen farmaajo iyo khayre.

hadaba waxa laga dareemi karaa duulaankan u danbeeyay ee ay ku soo qaadeen somaliland inu badka soo dhigay in lagaga gacan sareeyo arrimaha dibada oo bilabeen nin qoyani biyo iskama dhowree meelkasta u carar.

gebagebadii waxa ay ila tahay dagaalkan farmaajo inuu yahay nafla caari, sidaa dareedeed waxba ma yeeli karo qarankan soamaaliland , horena waxaan uga soo gudubnay caqabado kuwan aad uga waaweyn sidaa darteed dadka reer somaliand waa in ay aany dheg -jalaq usiin ficiladan aan macnaha buuran ku fadhiyin ee ka soo yeedhaya dawlada xamar.

Allaa Mahad leh

Abdilahi Ali Derie (A. A. DERIE)

EMAIL. abdilahi_3@hotmail.com

Tel; 0634465037

Gabiley somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso