Qaraxyo ka dhacay Dhuusamareeb iyo Al Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda

Wararka ka imanaaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro Qaraxyo ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay badhtamaha magaalada Dhuusamareeb.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in maanta barqadii laba qarax oo is xigxigay ay ka dhaceen gudaha magaalada, qaraxa koowaad ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Xerada Inji oo uu ka socdo diiwaangelinta Maleeshiyaadka Kooxaha Ahlusuna kuwaas oo lagu biirinayo ciidamada dowladda Federaalka.

Daqiiqado kadib markii uu qaraxa koowaad dhacay ayaa qarax labaad laga maqlay magaalada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Dhuusamareeb ku suganyahay Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka waxaana magaalada shalay gaadhay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qadar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso